Maadaama feestada Diwali 2019ka la daawan doono Housefull4 halkaan kaga bogo filimadii Diwali lasaaray tan iyo 1990kii iyo natiijadii ay gaareen.

0
591

25ta bishaan Octobar 2019ka oo ku began feestada Diwali waxaa shaashadaha la saari doonaa filimka weyn ee hirgalay Housefull qeybtiis 4aad taasoona uu hogaamiye kayahay Akshey Kumar.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa filimadii feestadaas la saaray tan iyo 1990kii iyo natiijadii ay Box Officeka ka gaareen.

DIWALI 1990kii.

Waxaa la saaray filimada kala ah;

-Jamai Raja; Waxaa hogaaminayay Anil Kapoor Madhuri Dixit iyo Hema Malini wuxuuna soo xareeyay 2.10 Crore asigoona noqday Flop.

-Agneekal; Waxaa hogaamiye ka ah Jitendra wuxuuna soo xareeyay 1.75 crore asigoona sidoo kale noqday Flop.

DIWALI 1991dii.

Waxaa la saaray filimada kala ah;

-Akalya;  Waxaa hogaamiye ka ah Amitabh Bachchan, Jackie Shroff iyo Meenkashi Sheshadari wuxuuna soo xareeyay 4.60 Crore asigoona noqday Flop.

-Banjaran; Waxaa jilayo Sridevi iyo Rishi Kapoor wuxuuna soo xareeyay 2 crore asigoona sidoo kale noqday Flop.

DIWALI 1992dii.

Waxaa la saaray filimada kala ah;

-Jigar; Waxaa jilayo Ajay Devgan iyo Karisma Kapoor wuxuuna soo xareeyay 5 crore asigoona noqday Hit.

-Yalgar; Waxaa hogaamiye ka ah Sanjey Dut wuxuuna soo xareeyay 3.30 Crore asigoona noqday Flop.

 DIWALI 1993dii.

Waxaa la saaray filimada kala ah;

-Bazigar; Waxaa jilayo Shahrukh Khan, Kajol iyo Shilpa Shetty wuxuuna keenay 9.75 crore asigoona noqday Blockbuster weyn.

-Bedardi; Waxaa jilayo Ajay Devgan iyo Urmila Matodkar wuxuuna keenay 2.84 crore asigoona noqday Flop.

-Santaan; Waxaa jilayo Jitendra iyo Deepak Tijori wuxuuna keenay 2.20 asigoona noqday Flop.

DIWALI 1994tii.

Waxaa la saaray filimada kala ah;

-Suhaag; Waxaana jilayo Akshey Kumar, Ajay Devgan iyo Karisma Kapoor wuxuuna keenay lacag dhan 7 crore asigoona noqday Hit.

-Andaz Apna Apna; Waxaa jilayo Amir Khan, Salman Khan, Karisma Kapoor iyo Raveena Tondon wuxuuna keenay 5.30 crore balse wuxuu noqday Flop.

-Yaar Gaddar; Waxaa jilayo Mithun Chakraborty iyo Saif Ali Khan wuxuuna keenay 2.40 crore asigoona noqday Flop.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here