Inaba caadi ma aha wacdaraha Filimka Houseful 4 ka dhigaayo box-office-ka waxuuna sameeyay ganacsi taariikhi ah maanta oo ahed maalintiisa 5-aad uu tiyaatarada saaran yahay isagoo qiyaas ahaan keenay 24 Crore ganacsi ah (Trade Figure).

Wuxuu hoos u dhacay kaliya 30% marka lala bar bardhigo fasaxii weynaa ee shalay jiray uuna ka faaiday waliba gobolada qaarkood maba laga dareemin inuu hoos udhacay maanta xooga taasi oo suurto galin karta in 24 Crore ka badan soo xareen karo maalintiisa 5-aad maadama hader ganacsiga fadhinin beri subax ayaana la ogaan doonaa hadii intaas tirada ka badato.

Gujarat/Saurashtra ganacsi xoogan ayuu ka sameeyay mashruucan labadii maalmood u dambeysayna iskoor weyn ayuu halkaa ka dhigay Dhanka kale magaalooyinka sida UP, Madhya Pradesh iyo Bihar waxuu hoos udhacay 10-20% maanta waliba hoos udhacan kaliya waa tiyaatarada daqliga badan laga helo ee Multiplexes-ka ah balse Single Screens-ka waa looma dhowaadaan kaliya 10% ayuu hoos udhac kajiray dhankooda.

Waxaa cajiib ah in 2-dii maalmood u dambeysay kaliya uu Filimkaan soo xareeyay in ka badan 58 Crore waliba waa maalmihiisa 4-aad iyo 5-aad ee uu tiyaatarada saarnaa inkastoo fasax caawiyay waliba isagoo ah Filim diidmo xoogan iyo dhaliil xoogan loo soo jeediyay.

Xitaa fasax kasto oo jiro Filim dhaliil xoogan sheekadiisa la kulmay in ganacsigan uu sameeyo waa wax aad u adag laakiin Akshay Kumar wuu ka guuleystay qolyaha sheekada Filimkiisa sixun u bahdileen marba haduu 5 maalmood mashruucan ku keenay 109 Crore waxaana todobaadkiisa kowaad ka dhiman wali 2 maalmood.

Arbaco ka bilaawato mashruucan hoos udhac ayuu la kulmi doonaa maadama qiimaha tikitka lagu iibsado hoos loo dhigaayo teeda kalena fasaxyada waaweyn ee dalka ka jireen wey soo dhamaadeeb inkastoo magaalooyinka qaar iyo goobo kale uu fasaxa kasii jiri doono midaasna wuu ka faaideysan doona Filimkaan dhanka kale todobaadkiisa kowaad inkastoo ay adagtahay in la qiyaaso ganacsiga uu sameeyn karo hadana waxay u badan tahau 125 Crore inuu keeni doono rajadana intaas wey kasii badan kartaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here