Jaceylka loo qabo xidigaha caanka ah inaba caadi ma ahan maalin walbana wax cusub ayaad ku arkeysa taageerayaashooda oo ay ku kacaan ficil ahaan kuwa boqolaal KM usoo lugeyeena waan ogeen halka kuwa kalena habeeno badan guryahooda hortooda seexdeen si ay ula kulmaan.

Marka taageerayaashaas daacada ah laga soo tago waxaa jiraan taageerayaal kale oo ku qaraabtaan magacyada dadka shaashadaha kasoo muuqdaan ee caanka ah xitaa inee taageerayaal ahen ayaa macquul ah balse waa ganacsato usoo kalahaan inee ku ganacsadaan magacyada dadka caanka ah.

Shah Rukh Salman

Muqaayadaha caalamka qaarkood markaa tagto layaab ayaa kajiro waxaa lagu leeyahay Sunny Leone miyaa kuu keenaa mise Mia Khalifa ama waxaa lagu dhahaa Shah Rukh Khan, Salman Khan, Ajay Devgn kuli wey yaalaan dalbo midkaa rabto qofkii meesha ku cusub afka ayuu qabsanaa yaab aawgiis kkkkkk.

Waxaan ula jeednaa raashiinkii magacyada lahaa waa laga bedelay oo xidigaha caanka ah ayaa loo bixiyay magacyadooda ama lagu bedelay tusaale hadaa bariis aqoon jirtay hada waxaa muqaayad hindiya kutaalo looga yaqaana Salman Khan tusaale kale baasto Sunny Leone ayee u bixiyeen kuwa kale dooro duban ayee SRK dhahaan halka kuwa kale rooti iyo ukun isku duexjirto Mia Khalifa dhahaan.

Deepika Padukone

Meeshii magaca raashiinka laga sheegi lahaa jilaa magaciisa ayaa la sheega Mia Khalifa iikeen ayuu mid iska leeyahay dhanka kale labiska ama dharoa laxirto xitaa magacyadooda ayaa loo bixiyay carwooyinka qaar waxaad ku arkee labis Priyanka Chopra ama Mia Khalifa ama SRK la dhaho waa dad shaqsiyaadkan ku qaraabtaan.

Nin taksiile ah oo muqaayadna leh ayaa gaarigiisa ula baxay Deepika Padukone markii sheekadii la faafiyayna kuwa badan ayaa ku daydeen oo iyagana ula baxeen faaidada kujirta in xidigaha caanka ah magacyadooda lagu ganacsado ayaa waxay tahay taageerayaashooda ayaa kusoo booqanayaan macaamiil ama rukun kaa dhiganayaan intaas ayeena ka rabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here