Waxaan wada ognahay nolodha Alia Bhatt waqtigaan inuu qeyb ka yahay atooraha caanka ah Ranbir Kapoor kaaso ay dunida ugu jeceshahay waqtigaan dhowr jeer ayeena fagaaraha ka cadeysay jaceylkeeda xidigtaan.

Sido kale Alia Bhatt inta aysan Ranbir la saaxiibin waxaa lagu xaman jiray atooraha Sidharth Malhotra kaaso markii dambe ay kala hareen xitaa Sidharth kahor wiilal kale ayee saaxiib la ahed waana kahor inta aysan soo galin Bollywoodka.

Maanta waxaan dib u milicsaneena wareysigii Alia Bhatt 7-sano kahor ahaa xili barnaamijka Koffe With Karan ay ka qeyb galeysay misane shaaca kaga qaaday goobta in saaxiibked doqon ku noqday maalinta jaceylka adduunka ku beegned (Valentine’s Day).

Sido kale barnaamijka waxaa Alia kala qeyb galesay Parineeti Chopra hadaba Karan ayaa gabdhahan weydiiyay nolosha kalinimada inee ku caajiseen (xiligaas labada atiriisho wax xiriir ah ma aysan laheen) kadib Parineeti ayaa hadalka qaadatay misane tiri.

“Ha in badan nolol aan xiriir laheen waa caajis anigana kalinimada caajis ayaa ku dareema” kadib waxaa hadalka qaadatay Alia Bhatt oo tiri in qofka nolosha kali ku ah aysan wax xun aheen balse mararka qaar uu qofka cidloonaayo.

“Xiliyada dalxiisyada iyo fasaxa ayaa dareema inaan cidlo ahay oo waxaan isdhahaa hadii wiil saaxiibka uu jiri lahaa waqtigaan macaan ayuu kula qaadan lahaa waana run xiliyadaas nolosha cidlo iyo caajis ayaa la dareema.”

Alia ayaa sido kale sii raacisay in maalinta jaceylka adduunka loo dabaal dago iyo maalinta sanadka cusub loo dabaal dago labadaas maalinba in akteeda wax weyn ka ahen oo ay u aragto maalmo caajis badan kadib Karan ayaa weydiyay “sababta ma waxay tahay inaadan xiriir laheen oo wiil saaxiibka ah uusan jirin miya sidaa u leedahay.”

Alia ayaa goobta ka sheegtay misane tiri,”hadda kahor saaxiibkey ayaa maalinta jaceylka maalinke ku beegned magaalka ii kaxeeyay balse nasiib xumo jaceyl kama helin oo xitaa wuu iga aamusnaa anoo BoyFriend heesto ayaa maalinkaa cidlo dareemay misane farxada jaceylka maalintaas isaga la qaadan waayey dabcan waa mid aan jaceylka aqoon oo doqon ah.”

Karan iyo Parineeti yaab ayaa kasoo haray markee maqleen sheekada Alia….

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here