Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa… Pyaar Hai.

Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya.

Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel.

Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale.

.
.

Dhammaadka Instagram daabacaadda qore hrithikroshan

Markii uu soo baxay Filimkaas, Rakesh, oo ah Hrithik aabihiis, wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay abid ee uu ku helay soo saarista filimada iyo hagistooda, halka Hrithik uu ku guuleystay abaalmarintii ugu horreysay ee atoorasha ugu wanaagsan sanadka iyo atoorihii ugu fiicnaa ee isagoo billow ah shaqadiisa sidaas u wacnaatay.

Hirithik wuxuu sii watay xirfaddiisa jilista, oo uu guulo badan kasoo hoyiyay 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqdo wuxuu ahaa “War” oo ay isaga soo horjeedaan jilaaga kale ee lagu magacaabo Tiger Shroff, kaasoo soo baxay 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here