Sida guud dhageysigaha heesaha oodhan ayeeba diinteena islaamka mamnuucday maadama music leedahay halka daawasho ahaana laga dhaxlo muuqaalo indhaha aan u rooneyn balse heesaha qaarkood xadkii ayee dhaafeen in la daawado iskadaaye dhageyso xitaa kuma fiicno.

Heesaha hindiga qaar kamid ah shirki cad ayaa kujiraan oo aan meelna lagu qarin karin hadii uusan qofka aqoonin luuqada hinduuga ama uusan garaneynin ingiriiska oo uu ku fasiran lahaa si toos ah ayuu jaahil oga noqonaa mana kala saari karo qofkaas heeska dhexdhexaad ah iyo mida shirkiga kudhexjiro.

Heeska la magac baxay “Jaane Dil Mein Kab Se Hai Tu” waa hees caan ka ah daafaha caalamka waxaana wada jilayaan Hrithik Roshan iyo Rani Mukerji waxayna heeskan kujirtaa Filimkii Mujhse Dost Karoge ee jaceylka ahaa.

Hadaba heeskan dadka Soomaalida dhankooda caan ayuu ka yahay filim ahaan iyo hees ahaanba waa la jecel yahay balse akhristow ogow heeskan in kalmado shirki ah kudhex jiraan waxaana kuu haboon in maanta kadib aad iska dhaafto daawashadeeda ama dhageysigeeda.

Barnaamijkaan oo aan maalmaha jimcaha iyo isniinta marba hees kusoo qaadan doono fadlan hoos kaga bogo kalmahada shirkiga ah ee heeskan kujiraa .

Jaane Dil Mein Kab Se Hai Tu: kama warqabo xiligaad qalbigeyga dhex dagtay.

Jab Se Main Hoon Tab Se Hai Tu: Waxayse ila tahay intaan noolaa oodhan inaa dhex daganeed (qalbiga).

Mujhko Mere Rab Ki Kasam: Rabiga i abuuray ayaan ku dhaartee…

Yaara Rab Se Pehle Hai Tu: Adiga ayaa iiga muhiimsan Rabigeey oo iiga horeeyo.

Oraahda sare qeybta hore waa jaceyl uu ku tilmaamay in gabadha qalbigiisa dhex dagtay micnaha uu jeclaaday isagoon ogeyn xiligee ahed balse waxuu raaciyay in Alle SWT ay xitaa oga muhiimsantahay iyada qofkale iskabadaa oo ilaahay adaa ka horeeya mudnaan ahaan ayuu leeyahay waana hadal shirki ah.

Hadaba hadii aad heeskan qaado adiga shaqsi ahaan adoo ka warqabin jaceylna mooda ogow shirkina inaa qaaday oo marwalba waxaa leedahay “yara rab se pehle hai tu” oo micnaheeda ah Alle adaa iiga dhow oo iiga horeeya mudnaanta kowaadna kusiinaa.

Waad soo codsan kartaa heeska aad ka shakisay in waxyaabo shirki kudhexjiraan waan soo turjumeenaa ama anaga ayaaba isniin walba iyo jimco walba hees soo qaadan doono.



1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here