Maanta oo kale 7 April sanadii 2006 waxaa soo baxau filimka shactirada, jah wareerka iyo jaceylka isku jiro Shaadi Se Pehle waana filim daawadashiisa dadka jecel yihiin si gaar ahna looga helay qaabka sheekada loo dhigay oo mada daalo wacan lahaa.

Jilaayaasha filimkan: Akshaye Khanna, Ayesha Takia, Mallika Sherawat, Sunil Shetty and Aftab Shivdasani.

Director: Satish Kaushik

tiyaatarada la saaray: 350

Ganacsigiisa cimri ahaantiisa: 10.19 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 11 Crore

Saamiga laga helay kuwa cajaladaha qeybiyaan: 4.23 Crore

Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa: 29 Crore

Tirida tikit-ka u goosteen filimkan: 2-milyan iyo 901,000 oo qofood.

Natiijadiisa rasmiga ah: FLOP

Qiimeynta sheekada: 4/7 IMDb rating

Xaqiiqooyinka Filimkan Ugu Muhiimsan Hoos Kaga Bogo:

Saif Ali Khan ayaa hogaamiye looga dhigi rabay filimkan balse wuu iska diiday, sidoo kalena Vivek Oberoi ayaa iska diiday hogaaminta mashruucan ugu dambeyntiina Akshaye Khanna ayaa calfaday.

Priyanka Chopra ayaa loo bandhigay atirisho kowaad inay filimkan ka noqoto balse wey iska diiday.

Aftab Shivdasani faras ayuu ka dhacay inta uu duubayay muuqaal filimkan ku jiro kadibna muruq dhanka caloosha ah ayaa dhibaato kasoo gaartay waxaana lagu sameeyay qaliin.

Filimkan waa mid hirgalay oo dhanka TV-yada Blockbuster weyn ka noqday ilaa iminkana siweyn loo jecel yahay qaabka shactirada mashruucan loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here