Maanta oo kale 7 April sanadii 2006 waxaa soo baxay filimka Action-ka iyo jaceylka isku jiro Saawan – The Love Season ee Salman Khan muuqaal marti ah ku lahaa waana filim heeso wacan leh sidoo kalena fariintiisa qaab wacan loo dhigay.

Jilaayaasha filimkan: Kapil Jhaveri, Saloni Aswani, Prem Chopra, Johny Lever & Salman Khan (muuqaal marti ah).

Director: Sawan Kumar Tak

Tiyaatarada la saaray: 275

Ganacsiga cimri ahaantiisa: 3.46 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 5 Crore

Saamiga laga helay kuwa cajaladaha qeybiyaan: 1.40 Crore

Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa: 12.20 Crore

Tirida tikit-ka u goosteen filimkan: 1-milyan & 220,000 oo qofood.

Natiijadiisa rasmiga ah: FLOP

Qiimeynta sheekada: 2.3/10 IMDb rating

Xaqiiqooyinka Filimkan Ugu Muhiimsan Hoos Kaga Bogo:

Filimkan sheeko ahaan in badan wuxuu u qaab eg yahay filimkii Hollywood-ka ahaa Life or Something Like It oo Angellina Jolie hogaamiye ka ahayd inkastoo kooxda filimkan iska leh xaqiijinin inay sheeko ahaan mashruuca Hollywood-ka ah kasoo qaateen sheekadiisa.

Salman Khan filimkan wax lacag ah kuma qaadaneyn sameyntiisa madaama Director Sawan Kumar horey ugu sameeyay filimkiisii HIT-ka noqday Sanam Bewafa (1991) markii uu fanka ku cusbaa.

Filimkan waxaa lagu suuq geeyay inuu Salman Khan hogaamiye ka yahay balse sida xaqiiqada ah door kooban ayuu ku leeyahay kaliya waxaa la rabay in hadal heyn filimkan loo abuuro.

Waa filimkii ugu dambeeyay ee uu sameeyay Director Sawan Kumar oo isla magaciisa filimkan u bixiyay mudo 14-sano ah wax filim ma uusan sameynin ruug cadaagaan 90-maadkii filimo kala duwan sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here