Maanta oo kale 1998dii waxaa la daawaday Filimka uu Shahrukh Khan ku faano ee Kuch Kuch Hota hai.

2
737

Kuch Kuch Hota Hai waa mid kamid ah filimadii ugu waaweynaa abid Bollywoodka sameeyeen waxaana hogaamiye ka ah Super Star Shahrukh Khan oo ay ku wehliyeen Kajol Devgn iyo Rani Mukherjee.

Filimkaan ayaana tiyaatarka India la saaray 15tii bisha Oktobar 1998dii, wuxuuna gaaray darajada ugu sareyso filim gaaro taasoo ah All Time Blockbuster.

KKHH ayaana lagu qarash gareeyay 10 crore wuxuuna soo xareeyay 46.86 crore lacagtaasoo maanta u dhiganta 343 crore waana lacago waali ah.

Kuch Kuch Hota Hai oo ah filim jaceyl Romantic ah ayaa siweyn looga wada helay sheekadiisa iyo hab jiliinka jilayaashaba, gaar ahaan Shahrukh khan, Kajol iyo Rani oo midkastaba doorkiisa kasoo dhalaalay. Waxaana Directed ka ahaa filim sameeye Karan Johar, yaanan iloobin in filimkaan heesihiisa hirgaleen ilaa haatana Bollywoodka laga jecelyahay.

Hadaba akhristow filimkaan hadaad daawatay sanadkee ayaad daawatay markii ugu horeysay?

2 COMMENTS

  1. Atarishooyinka mxaa u Xaqiraysaan wll srk kajol ayaa flimada u shiday isagana way ka qaab jiliin wcnyd ilinteedi kaliya iyo qaabka adkaa labada door ay u jishay ayuu flimku guul ku gaadhay srk mayelan kro kajol qaab jiliinkeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here