
Maanta oo kale 7 April sanadii 2000 waxaa soo baxay filimka Action-ka ah ee Soomaalida marnaba ka xiiso dhigeyn ee lagu magacaabo Baaghi wuxuuna ka mid yahay filimadii ugu saameynta badnaa ee bilawgii qarnigan Bollywood-ka sameeyeen ilaa haatana siweyn loo jecel daawashadiisa Action-ka iyo xarakada u badneyd kamana marneyn dareenka qiirada badan uu xambaarsanaa filimkan.
Jilaayaasha filimkan: Sanjay Dutt, Manisha Koirala, Aditya Pancholi, Inder Kumar & Tina Sen
Director: Rajesh Kumaar Singh
Tiyaatarada la saaray: 200
Ganacsigiisa cimri ahaantiisa: 3.64 Crore
Lacagaha lagu qarash gareeyay: 5.75 Crore
Saamiga laga helay kuwa cajaladaha qeybiyaan: 1.74 Crore
Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa: 27.56 Crore
Tirida tikit u goosatay filimkan: 2-milyan & 756,000 oo qofood
Natiijadiisa rasmiga ah: FLOP
Qiimeynta sheekada: 4.4/10 IMDb rating
Xaqiiqooyinka Ugu Muhiimsan Hoos Kaga Bogo:
Inder Kumar oo filimkan ku jilaayo wiilka Sanjay Dutt soo korsaday ama walaal ka dhiganaayo wuxuu geeriyooday 28 July sanadii 2017 kadib markii wadno xanuun kusoo booday xili uu gurigiisa ku sugnaa.
Aditya Pancholi waxay u ahayd markii ugu horeesay filim ay Sanjay Dutt isla jilayaan inuu xumaan ku matalo wixii Baaghi ka horeeyay aflaanta labadan isla sameeyeen Aditya Pancholi laadar kuma matali jirin.
Filimka Baaghi markii lagu dhawaaqay qorshaha wuxuu ahaa Inder Kumar inuu hogaamiye ka noqdo halka Sanjay Dutt muuqaal marti la fidiyay ku lahaado balse soo saaraha filimkan Ramesh J. Sharma ayaa sheekada filimkan badalay oo ka dhigay Dut hogaamiye halka Inder Kumar caawiye ka dhigay si filimkiisa dadka kaga gadmo.
Filimka Baaghi sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay mashruuca Hollywood-ka ah Bronx Tale (1993) waxaana ku xifaaltameen Robert De Niro iyo Chazz Palminteri.