Maanta oo kale 2008dii waxaa la daawaday Disasterkii ugu dambeeyay ee uu Salman Khan keeno.

0
489

Mega Star Salman Khan kahor inta uusan 10kii sano ugu dambeysay awood buuxda lasoo bixin misna gaarin darajada Mega Star wuxuu ahaa jilaa hadba si filimadiisa noqdaan.

Malaheyn awooda uu maanta leeyahay filimadiisana looguma tashan jirin sida maanta loogu tashto.

Hadaba Filimka Yuvraaj ee soo baxay November 2008dii kaasoo noqday Disaster ayaan xogtiisa idinla wadaageynaa iyo sida uu Disaster ku noqday.

Yuvvraaj ayaa waxa jilayo Salman Khan, Anil Kapoor, Boman Irani iyo Zayeed Khan waxaana atariisho ka ah Katrina Kaif, halka uu Directed ka ahaa Subhash Ghai.

Filimkaan ayaa waxaa lagu qarash gareeyay 48 crore asigoona soo xareeyay kaliya 16.89 crore waxaana laga helay Share ahaan 7.60 crore taasoona ka dhigeyso in filimka lacago waali ah lagu khasaaray.

Lacagtaas hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waa 34.50 crore waxaana tikid u goosteen 3,588,000 qof.

Maadaama lacagihii lafy qarash gareeyay iyo midii cajaladihiisa lagu iibsadayba wax u dhaw soo xareyn waayay khasaaro xoogana lakala kulmay wuxuu noqday filimkaan Disaster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here