Karisma Kapoor waxaa lagu tiriya atiriishooyinka abid ugu fiican fanka hindiya inta soo martay xidigtaan waxay ay qabatay waligood ma aysan qabanin atiriisho jiilkeeda ah amaba ka dambeysay ilaa hadana waa lama helaan iyada kadib Bollywood iyo guud ahaan fanka hindiyana si weyn ayee ugu faanaan.

Karisma maanta oo kale waxaa usoo baxay filimkeedii kowaad ee ay Bollywoodka kusoo gashay Prem Qaidi kaaso la daawaday 21-june 1991 sidaa aawged 29-sano ayaa kasoo wareegatay markee Bollywoodka heleen fanka hindiya feynuustii u ifisay ee dhadhan u yeeshay aflaamta hindiga xiligii dahabiga ahaa (1990-1999).

Waa tuma Karisma Kapoor:

Atiriisho, Dance-yaqaan qibrad dheerna uleh inee door walba sameyso jiliinkeedana kuguso jiidato, waa gabar bulshaawi ah oo atoore walba la shaqeyn karta, waa gabar iskooradeeda ilaa hada la jabin waayey, waa gabar si lama filaan ah Bollywoodka kuqabsatay si lama filaan ahna awoodeda dhulka udhigtay.

Maqaamka Karisma Kapoor qodobo kamid ah oo cadeynayaan:

1-Atiriishadii ugu guulaha badneed fanka hindiya xiligii 90-maadkii

2-Atiriishadii ugu Hit-ka badneed xiligii 90-maadkii

3-Atiriishadii labaad ugu awooda badneed fanka hindiya xiligii 90-maadkii.

4-Atiriishada labaad taariikhda fanka hindiya ugu qoobka-cayaarka wanaagsan tan iyo maanta oo 46-jir tahay waxaa ka Dance wacan kaliya Madhuri Dixit inta kale atiriishooyinka iyada ka fiicnaatay.

5-Atiriishada kaliya ee awood u yeelataya inee la shaqeyso atoore walba oo jiilkeeda ah shaashada isku soo baxayaan qodobkaan waa wax adag in la helo atiriisho atoore walba shaashada jaceyl isugu soo baxayaan Karisma midaas wey ka dhabeysay.

Sunny Deol oo dhali karo ayee aad iyo aad isugu soo baxeen jaceylna la wadaagtay ilaa hadana lamaanayaasha la jeclaa ayee kamid ahaayen, Sanjay Dutt, Suniel Shetty, Akshay Kumar, Govinda, SRK, Aamir Khan, Salman Khan, Ajay Devgn dhamaan jilayaashan aflaam taariikhi ayee la sameysay mid walbana shaashada wey iskusoo baxeen.

5-Atiriisho shaashada kaga awood badatay saameeyn ahaan atoorayaal caan ah sida Aamir Khan (Raja Hindustani), Akshay Kumar (Mere Jeevan Saathi), Hrithik Roshan (Fiza), Salman Khan (Biwi No.1), Abhishek Bachchan (Haan Mein Bhi Pyaar Kiya), Chandrachur Singh (Sil Sila Hai Pyaar) iyo kuwa kale.

6-Atiriishada kaliya 90-maadkii ku guuleysatay Filimfare-Best Actress oo ay la jirto National Award waxayna ku qaadataya Raja Hindustani Best Actress Filimfare iyo Dil To Pagal Hai National Award Best Supporting Actress labo sano isku xigta ayee Filinfare iyo National wada qaadataya atiriishada ugu fiican iyo atiriisho caawiso mida ugu fiican atiriisho kale sidaas sameysay 90-maadkii majirto.

Karisma wiilasha ay jeclaatay balse aysan calfanin:

1-Ajay Devgn: waa lagu xantay xiriirkooda lama hubo markii dambena dagaal ayee ku kala tageen ayaa ladhahay oo Raveena ayaa soo kala dhex gashay xiriirkaas ma guuleysan inkastoo Karisma iyo Ajay arinkaas beeniyeen waxayna cadeyeen inee saaxiib kaliya ahaan jireen waligood.

2-Abhishek Bachchan: waa lahubaa xiriir ayaa dhexmaray faraanti galiskooda ayaana bur buray sabab la xiriirta in labada qoys isku dhaceen fashil ayuuna ku dhamaaday xiriirkan asna.

3-Waxay guursatay ganacsade Sanjay Kapur oo ay caruur udhashay weyna kala tageen hader waa hooyo caruurteda korsato marwalbana lagu baryo inee Bollywood kusoo laabato.

Karisma iyo shaqsiyaadka ay saaxiibada dhow la ahed markee Bollywoodka joogtay:

Govinda waa saaxiibkeeda kowaad aflaam badana isla sameyeen mar xitaa waa la isku xantay inuu xiriir dhexmaray balse wax kama jiraan ayuu noqday.

Akshay Kumar waa saaxiibkeeda labaad arooskeeda qeyb libaaxleh ka qaatay sanadkii 2003 aflaam badan ayeena la sameysay xidigtaan waxay xiriir dhow la leedahay walaashed Kareena Kapoor ee kayar aadna ay ujeceshahay wax badan ayeena kabartay fanka hindiya marke yared.

Khaladkii Karisma gashay ee ay ka qoomameyso ilaa iyo maanta iyo darajada ay weysay:

Atiriishada si ay Superstar u noqoto waa inee 6-sano ilaa 10-sano xariir ah fanka hindiya awood ku qabsataa aflaam Big Hits ahna la timaada Karisma khalad weyn ayee gashay oo ay darajada kuweysay.

Madhuri ayee awooda fanka hindiya kala wareegtay sanadkii 1996 markee la timid filimkii Raja Hindsutani ee ay hindiya ku qabsatay markaas kadib ayee Lolo bilaawday doorar aan loogu talo galin inee sameyso waxay durba ogolaatay atiriisho caawiso inee noqoto ayadoo Dil To Pagal Hai saxiixatay sanadkii xiga ee 1997 la timid bil qiyaas atiriisho awooda hindiya hogaamineyso inee caawiso noqoto inkastoo Madhuri uqalanto in caawiso loo noqdo.

Intaas kuma ekaanin Karisma waxay doorar liito kulahaatay filimada Sapoot, Judwaa, Jaanwar iyo kuwa kale mana looga baran atiriisho Fanka hindiya awood ku heysata inee sameyso doorar noocaas ah

markii dambena fariimo raqiis ah oo atiriishonimo uqalmin ayee dooratay sida Sil Sila Hai Pyaar Ka iyo kuwa kale awoodeedii dhulka ayee tagtay Aishwarya Rai ayaana ka faaideysatay meeshana kala wareegtay waxayna Karisma soo hogaamineysay atiriishooyi ka mudo 4-sano ah (1996-1999) darajadeedana waa xidig (Star) ayadoo lumisay darajada Superstar oo ay udhowaatay.

Taageerayaasha Karisma Kapoor maanta waxay udabaal dagi lahaayen mudo 29-sano ay atiriisho tahay balse kiiska Sushant Singh ayaa saameeyn weyn kuleh guud ahasn fanka hindiya waqtigaan.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here