Home » Nolosha Jilaayaasha » Maanta Oo Kale 6 Sano Kahor Waxaa La Daawaday Barfi Iyo Katrina Oo Mar Noqotay Hogaamiyaha Filmka!!

Maanta Oo Kale 6 Sano Kahor Waxaa La Daawaday Barfi Iyo Katrina Oo Mar Noqotay Hogaamiyaha Filmka!!

Maanta oo kale 14 September sanadkii 2012 waxaa la daawaday filmkii Barfi ee sida weyn India oga gadmay sheekadiisana wanaagsan waxaana mashruucan hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor, Priyanka Chopra iyo Illeana D’Cruz.

Anurag Basu ayaa mashruucan iska leh kaaso markii hore la rabay inee Katrina Kaif wax ka jisho filmkaan sedex atirisho oo sedex door kala duwan wataan ayuu la rabay mashruucan Filmsameyaha.

Katrina waxay sameen laheed doorka Shruti Ghosh oo markii dambe ay qaadatay atirishada Illeana Anurag oo ka hadlaayo xili Hindustani Times uu wareysi siinayey waxuu yiri,”waxaan markii hore la rabay filmkaan Katrina Kaif inee door ku lahaato.”

1_1473833887

“Waan farxay markii Katrina ogolaatay balse markii dambe wey isaga baxday kadib markii ay cajab galin weysay xiliga shaqada filmkaan soconeysa ama jadwalka la duubayo oo ay dhibsatay maadama howlo kale ay ku mashquulsaned.”

Kadib markii Katrina ay ka baxday filmkaan waxaa booskeda lagu bedelay Illeana D’Cruz oo Bollywoodka kucusbeed doorkeda waxaa laga dhigay door caawin ah halka PeeCee doorkeda la weyneeyay atirishada filmkana laga dhigay waxaana isbedelka sheekada la sameeyay usabab ah Katrina oo iska diiday filmkaan mooye iyada aya hogaamiye ka noqon lahed dhanka atirishanimada filmka.

Ranbir Iyo Katirna waxay guud ahaan wada sameyeen film ahaan Jagga Jasoos, Ajab Prem Ki Gazab Kahani, Raajneeti iyo kuwa kale waana xidigo guusha usaaxiib ah markale inee wada shaqeyaan ayaa la rajeena.