
Maanta oo kale 4 May waxaa soo baxeen labo filim oo fariin ahaan kala duwan sidoo kalena jiil kala duwan hogaamiyaal ka yihiin balse waxay ka siman yihiin inay labadan filim wada guuleesteen natiijo isku mid ah wada gaareena waxayna kala yihiin filimadaas Jannat 2 iyo 102 Not Out.
Fadlan xogta ama macluumaadka labadan filim oo dhameestiran hoos kaga bogo ganacsiga ay sameeyeen dibad, dal, natiijada ay gaareen iyo tirada tiyaatarka ka daawadeen waxaana xogtaan kasoo xiganay shabakada BOI:
Jannat 2 (4 May 212) waxaa wada jileen Emraan Hashmi, Esha Gupta, Randeep Hooda & Manish Chaudhary.
Director: Kunal Deshmukh
Tiyaatarada la saaray – 2050
Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay – 42.98 Crore
Lacagaha lagu qarash gareeyay – 20 Crore
Saamiga laga helay – 22.79 Crore
Tirada tikit u goosteen – 6-milyan & 162,000 oo qofood.
Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa – 61.62 Crore.
Natiijadiisa rasmiga ah: Semi Hit
Ganacsigiisa suuqyada caalamka – $870k
Ganacsigiisa dibad & dal – 63.09 Crore
Qiimeynta sheekadiisa – 6.1/10 IMDb Rating
102 Not Out (4 May 2018) waxaa wada jileen Amitabh Bachchan, Rishi Kapoor, Jimmit Trivedi & Dharmendra Gohil.
Director: Umesh Shukla
Tiyaatarada la saaray – 1300
Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay – 51.77 Crore
Lacagaha lagu qarash gareeyay – 35 Crore
Saamiga laga helay – 23.47 Crore
Tirada tikit u goosteen – 4-milyan & 117,000 oo qofood.
Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa – 51.77 Crore.
Natiijadiisa rasmiga ah: Semi Hit
Ganacsigiisa suuqyada caalamka – $2.87m
Ganacsigiisa dibad & dal – 84.70 Crore
Qiimeynta sheekadiisa – 7.4/10 IMDb Rating