Maanta oo kale 17 Janaayo sanadii 2003 waxaa tiyaatarada la isla saaray filimada Jism iyo Dil Ka Rishta waxaana kasoo wareegatay daawashadooda 17-sano ayadoo maalintaas ay guusha qaateen John & Bipasha halka Arjun Rampal iyo Aishwarya Rai Boxoffice-ka looga awood badiyay sida diiwaan gashan.

Jism waa filimkii ugu horeeyay ee uu John Abraham sameeyay ama fanka kusoo galay wuxuuna noqday HIT ama filim macaash laga helay halka Dil Ka Rishta oo aha filim heeso hirgaleen xambaarsanaa uu ganacsi ahaan guul dareestay wuxuuna noqday FLOP.

Fadlan hoos kaga bogo filimada Jism iyo Dil Ka Rishta oo maanta kale isku dhaceen 17-sano ka hor sida tiyaatarada loogu qeybiyay, ganacsiga ay sameeyeen iyo tirada tikit u goosteen:

Tiyaatarada la saaray: Jism (200-tiyaatar), Dil Ka Rishta (200-tiyaatar)

Maalinta kowaad ganacsigooda: Jism (67 Lakh), Dil Ka Rishta (56 Lakh)

Sedexda maalmood ugu horeyso ganacsigooda: Jism (1.91 Crore), Dil Ka Rishta (1.76 Crore).

Todobaadka kowaad ganacsiga ay sameeyeen: Jism (3.37 Crore), Dil Ka Rishta (2.89 Crore)

Cimri ahaantooda ganacsiga ay sameeyeen: Jism (8.14 Crore), Dil Ka Rishta (5.52 Crore)

Lacagaha lagu qarash gareeyay labadan filim: Jism (3.25 Crore), Dil Ka Rishta (8.25 Crore)

Saamiga kooxaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen: Jism (4 Crore), Dil Ka Rishta (2.51 Crore)

Lacagtii ay soo xareeyeen 17-sano kadib maanta maxay u dhigmataa: Jism (40.29 Crore), Dil Ka Rishta (27.24 Crore).

Tirada guud ee tikit u goosteen labadan filim: Jism (4-milyan & 29,000 oo qofood), Dil Ka Rishta (2-milyan & 24,000 oo qofood).

Natiijadooda rasmiga ah labadan: Jism (HIT), Dil Ka Rishta (FLOP)

Lacagaha suuqyada caalamka kasoo xareeyeen: Jism ($50k), Dil Ka Rishta ($1.19m)

Ganaciga Dibad & Dal ay sameeyeen wadar ahaan: Jism (13.41 Crore), Dil Ka Rishta (14.60 Crore).

Qiimeynta sheekada labadan IMDb Rating: Jism (5.2/10), Dil Ka Rishta (4.7/10)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here