Home » Box Office » Maanta oo kale Juhi Chawla iyo David Dhawan ayaa dhex dhexaad ka noqdeen dagaal Boxoffice-ka ku dhex maray Govinda/Anil Kapoor Vs Akshay Kumar

Maanta oo kale Juhi Chawla iyo David Dhawan ayaa dhex dhexaad ka noqdeen dagaal Boxoffice-ka ku dhex maray Govinda/Anil Kapoor Vs Akshay Kumar

Maanta oo kale 10 October 1997 oo ay kasoo wareegatay 20-sano atirishada caanka ah Juhi Chawla labo filim oo ay hogaamiye ka tahay sidoo kalena uu labada filim Director ka ahaa David Dhawan ayaa tiyaatarada la isla saaray.

Waxaana xusid mudan in Juhi ay dhex dhexaad ka noqotay dagaal Boxoffice-ka ku dhex maray Govinda iyo Anil Kapoor oo dhinac iyo Akshay Kumar oo kaligiis ah.

Waxaan ula jeednaa maanta oo kale filimada Deewana Mastana iyo Mr. & Mrs. Khiladi ayaa tiyaatarada la wada saaray waxaana la yaab ah labadaan filim inay wada guuleesteen inkastoo guusha ay ku kala weyn yihiin hadana cid qasaaro soo gaartay ma jirto.

Fadlan hoos kaga bogo sida filimada Deewana Mastana iyo Mr. & Mrs. Khiladi tiyaatarada loogu qeebiyay, ganacsiga ay sameeyeen, tirada tikit u goosteen iyo natiijada Boxoffice-ka ay ka gaareen sida aan kasoo xiganay shabakada Boxoffice India:

Filimka Deewana Mastana Sida Uu Hit Ku Noqday:

Jilaayaasha: Anil Kapoor, Govinda iyo Juhi Chawla

Director: David Dhawan

iliga la daawaday: 10 Oct 1997

Tiyaatarada laga daawaday: 230

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 7 crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay – 13.59 crore

Lacagtaan hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo – 111.92 crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor – 23.25 crore

Tirada tikit u goosatay – 12-Milyan 84,000 qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen – 7.26 Crore

Lacagaha uu dib usoo celiyay boqoleey ahaan – 104%

Natiijadiisa: Hit

Qiimeynta IMDB Rating – 6.7/10

Filimka Mr. & Mrs. Khiladi Iyo Sida Uu Semi Hit Ku Noqday:

Jilaayaasha: Akshay Kumar Juhi Chawla

Director: David Dhawan

Xiliga la daawaday: 10 Oct 1997

Tiyaatarada laga daawaday: 190

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 5.75 crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay – 9.36 crore

Lacagtaan hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo – 78.86 crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor – 16.12 crore

Tirada tikit u goosatay – 8-Milyan 515,000 qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen – 4.80 Crore

Lacagaha uu dib usoo celiyay boqoleey ahaan – 83%

Natiijadiisa: Semi Hit

Qiimeynta IMDB Rating – 6.7/10