Maanta oo kale sanadkii hore waxaa la daawaday filimkii ugu dambeeyay ee uu Shahrukh Khan kasoo muuqday iyo khasaarihii lixaadka lahaa eek u habsaday.

0
561

Super Star King of Bollywood maanta oo kale sanadkii hore waxaa ku habsatay mid kamid ah khasaarooyinkii ugu waaweynaa jilaagaan soo wajaho kadib markii uu sixun u fashilmay filimkii rajada weyn laga lahaa ee Zero.

Filimkaan ayaa waxaa Shahrukh Khan kala soo muuqday Katrina Kaif iyo Anushka Sharma waxaana Directed ka ahaa Anand L.Rai ayadoona ay soo saare ka aheyd Shahrukh Khan xaaskiisa Gauri Khan waxaana lagu qarash gareeyay 270 crore.

Inkastoo aanan heynin xogta kooxda cajaladaha iyo lacagaha ay filimkaan ku iibsadeen hadana filimkaan ayaa gudaha India kasoo xareeyay kaliya 88.74 crore xitaa wuxuu awoodi waayay in 100 crore gaaro waxaana ku habsaday fashil aad u weyn kadib markii sheekadiisa la dhaliilay.

BOI filimkaan wali natiijadiisa kuma dhawaaqin balse waxay u badantahay inuu yahay Big Flop.

Shahrukh Khan wixii filimkaan ka dambeeyay filim dambe ma uusan keenin asigoona mudo sanad ah shaashada ka maqan ilaa iyo haatan balse waxaa la filaa in sanadkaan uu filimkiisa xiga la yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here