Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka tagi doono kooxdaasi hadii arinkaan ay dhacdo.

0
613

Sida uu shaaca ka qaaday wariyihii hore ee BBC u shaqeyn jiray haatana saldhigiisa yahay shabkada The Athletic David Ornstein macalinka kooxda Manchester City ayay macquul tahay inuu isaga tago kooxdaasi xagaaga dambe.

Inkastoo uu Pep ku celceliyay horay inuusan City meelna uga socon hadana wariyaha The Athletic ayaa sheegay in macalin Pep Guardiola uu isaga tagi doono kooxda Manchester City haduu uu City sanadkaan kula guuleysto tartanka Horyaalada yurub kaasoo aysan City waligeed ku guuleysan.

David Ornstein ayaa sidaan Twitterkiisa kusoo qoray; “inkastoo uu horay fariimo badan u diray Pep Guardiola taasoo aheyd sii joogistiisa Manchester City mudo dheer hadana waxaa jiraan ilo sheegaayo in ay macquul tahay bixitaanka Pep Guardiola dhamaadka sanadkaanhadii uu ku guuleysto tartanka Horyaalada yurub”.

Wariyahaan oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “waxaa jiraan wadahadlo dhacay una dhaxeeyo musharixiinta jagooyinka ugu sareeyo kooxda doonayo ee gudaha kooxda waxaana lagu soo hadal qaaday goobta in sanadkaan uu yahay kii ugu dambeeyay ee uu Guardiola kooxda maamuli doono, lama sheegin jagooyinkaas waaweyn ee laga hadlay balse waxay u badantahay jagooyinka caafimaad iyo jirdhiska kooxda koowaad balse ma ahan jagada Pep Guardiola”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here