Madaama aqristayaal aad u fara badan baraha bulshada iyo Web-ka marar kala duwan naga codsadeen inaan macluumaad ka siino filimka caanka ah Sooryavansham, waxaan maanta soo diyaarinay xog dhameestiran oo filimkaan ku saabsan.
Jilaayaasha filimka Sooryavansham: Amitabh Bachchan, Jayasudha, Soundarya, Rachana Banerjee, Anupam, Kader Khan iyo Mukesh Rishi.
Director: E. V. V. Satyanarayana
Producer/Soo Saare: G. Adiseshagiri Rao
Xiliga tiyaatarada la saaray: 21 May 1999
Tirada tiyaatar ee laga daawaday: 190-tiyaatar
Maalinta kowaad lacagaha uu keenay – 49 Lakh
Sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay: 1.58 Crore
Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 2.25 Crore
Cimri ahaantiisa lacagaha uu keenay: 6.67 Crore
Saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay ka heleen: 3.37 Crore
Lacagaha lagu qarash gareeyay: 7 Crore
Tirada Tikit u goosatay: 5-milyan iyo 592,000 oo qof
Lacagaha uu xiligaas keenay maanta inta ay u dhiganto: 51.79 Crore (Adjusted Net Gross)
Kaalinta uu kaga jiro filimada Boxoffice India diiwaankeeda ku jiraan ganacsi ahaan: 608
Natiijadiisa Rasmiga Ah: FLOP
Qiimeynta shabakada IMDb Rating siisay sheekada filimka Sooryavansham waa 6.1/10 waxayna ka dhigan tahay in fariintiisa wanaagsan tahay qiimeynta uu helay awgeed.
Filimka Sooryavansham Muxuu Ku Noqday Filim Classic Ah:
Inkastoo Boxoffice-ka guud uu Flop ka noqday hadana filimkaan gobolka West Bengal wuxuu ka sameeyay ganacsi taariikhi ah asigoo halkaas Hit weyn ka noqday, weliba 100-maalmood ayuu saarnaa tiyaatarada ku yaalo Calcutta.
Dabcan flimkaan waa flim caan ah
Kamana daalao daawashadiisa