1- Insaanka (Muslimka ah) inta badan waxay isku waafaqeen in jaceylka dhabta ah ka dhex dhashto lamaanaha guurka kadib wixii guurka ka horeyaana la dhaho rabitaan & damac.

2-Luuqadaha Ingiriiska & Carabiga caalamka dadka barta waxay u badan yihiin kuwa cilmi doon ah inkastoo kuwa shaqo doon ahna ay bartaan. Carabiga waxay u bartaan diinta islaamka in ay ku fahmaan halka ingiriiska diimaha kale iyo cilmiga sayniska ay ku fahmaan.

3- Sayniska waxuu aaminsanyahay in aduunka cimrigiisa dhamaanayo hadana dib u sameysmaayo misane markale dhamaanayo. Qeybta hore hadalkooda Qur’aanka wuu ogolaaday balse qeybta dambe waa laga diiday…

4-Ma ogtahay diin ahaan gabadha ninkeeda iyo waalidkeed inuu xaq badan yahay ninkeeda maantana arinkaa dumar badan ma tixraacaan xaqiiq ahaan xaqa seygaada kugu leeyahay ma ahan mid yar oo waalidkii ayuuba ka xaq badnaaday.

5-haddii aad ka baqeyso inuu jaceyl ku galo waligaa gabbar indhaha haka eegin in cabaar ah haddi aad gabar tahayna wiil muddo dheer indhaha haka fiirin ileen waa meesha ugu nugul ee jaceyl laga qaado.

6- Caqliga waxyaaba uu ku kordho waxaa kamid ah akhrinta buugaagta xikmadaha leh iyo joornaalada, Raadiyaha, Daawashada Aflaam caqliga u saaxiib ah misane cowro laheen iyo wixii lamida.

7- Xikmad muhiim ah: haddii aad dooneyso in aad naftaada dhiiro galiso misane kalsooni siineyso jooji ka fikirka waxa dadka kale ay kaa aaminsanyihiin.

8-Haddii aad ka heshay macluumaadkan Like saar Post-ga Share-na dheh mahadsanid..

Dhamaad…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here