Macluumaad kooban oo ku saabsan atariishada dhalinta yar ee Ebru Sahin taasoo qaab jiliinkeeda nooga yaabsatay taxanaha Hercai.

0
1263

Kadib markii uu guul weyn gaaray seasonkii koowaad taxanaha ay hogaamiyaha ka tahay ee Hercai ayay Ebru Sahin magaceeda sidoo kale dunida ku baahay iyadoo tan iyo maalinkii ay taxanahaas kasoo muuqatay caan sii noqoneysay.

Hadaba halkaan kaga bogo warbixin kooban oo nolosheeda gaarka ah ku saabsan;

Ebru Sahin waxay dhalatay 18dii May 1994tii waa 25 jir ku dhalatay magaalada Stanbul.

Ebru miisaankeeda waa 54kg halka dhirirkeedana yahay 166cm, waxay ka baxday jaamacada stanbul kuliyada cilmiga xisaabta, iyadoona fanka toos ugu soo biirtay sanadkii 2016dii.

Wixii ugu horeeyay ee ay kasoo muuqatay wuxuu ahaa filimka Blood Money iyadoo kadibna kasoo kala muuqatay taxanayaasha Babam iyo The Warrior balse magacii ay u baahneyd waxay ku heshay markey kasoo muuqatay taxanaha Istanbullu Gelin iyadoona shacbiyad balaaran heshay.

Ebru Sahin haatan waa gabar shumac oo kale misna aad loola cajabay doorkeeda Rayaan ee taxanaha Hercai kusoo bandhigtay seasonkiisii koowaad.

Hadaba hadii aad daawatay taxanahaas imisa ayaad ku qiimeyn laheyd doorkeeda 10/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here