Marka uu jiray cimri ahaan 6-sano jillaaga Hrithik Roshan ayaa waxaa markii ugu horreeyay uu ku biiray asigoo aktar caruur ah Filimkii Aasha (1980-kii).

Wuxuu Noqday ama uu kasoo shaqeeyay asigoo ah kabalyeeri maqaayad oo lagu magacaabo Metro Guest House islamarkaana ku taallo magaalada Bangkok aktarka Akshay Kumar wuxuuna ka kasaban jiray mushaar ahaan lacag lagu qiyaaso ₹1,500 rupees balse maanta ah Aktar caan ah oo sumacad iyo lacag intaba heesto.

Aktarka Ajay Devgan ayaa ahaa dooqa koowaad filimka karan balse markii dambe loo gacan galiyay aktarka Salman khan sidoo kale aktarka Ajay devgan ayaa ahaa dooqa koowaad filimka Darr laakiin wuuu iska diiday Ajay doorka filimka uu ku jillaayo waxaana ugu dambeeyn calfaday jillaaga Shah Rukh Khan.

Horaantii 1990-kii wuxuu kasoo muuqday aktarka Aamir Khan filimkii caanka ahaa ee uu Director ka ahaa Indra Kumar ee Dil
markaas oo u ahaa Aamir khan Hit-kiisii ugu fiicnaa kagadaal markii uu la imaaday 4-aflaam oo xirrir ah islamarkaana Flop ka noqday.

Aktarka Salman Khan ayaa gabi ahaanba iska diiday doorka laadarnimo uu ku jilayo filimka caanka ah ee uu Director ka ahaa Abbas-Mustan ee Baazigar kaas oo marki dambo uu qaatay aktarka Shah Rukh Khan islamar ahaantana noqday filim ganacsi ahaan guul gaaray oo Super Hit ah.

Waxaa lagu magacaabay Shahrukh taas oo la macno ah in uu yahay boqorka wajiga laakiin wuxuu door biday asiga in loo qoro magaciisa xaraf ahaan sidan Shah Rukh Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here