Sai Dharam Tej waqti wacan ayuu bartanka kaga jiraa madaama xidigan Telugu ka tirsan sanadkii hore labadiisii filim Prati Roju Pandage Blockbuster noqday halka Chitralahari isagana HIT noqday haatana wuxuu ka mid yahay atoorayaasha Koonfur Hindiya loogu doon doonista badan yahay.

Waxaan idiin heynaa warbixin xiiso badan oo ku aadan in Sai Dharam Tej la shaqeyn doono atirishada awooda badan Ramya Krishnan ee Bahubali labadiisa qeybood kaalin lixaad leh ka qaadatay sidoo kalena filimada Telugu doorar adag ka qaadato waxayna labadan kasoo wada muuqan doonaan mashruuc xiiso badan oo uu Director ka yahay Deva Katta.

Director Deva Katta ayaa laga soo xigtay in Sai Dharam Tej filimkan aan magaca loo bixinin ku matali doono dhaqtar halka Ramya Krishnan iyadana wasiir awood ku badan ku jili doonto waana filim fariin arimaha bulshada ku saabsan xambaarsan balse hab mada daalo dhameestiran leh loo dhigi doono.

Filimkan atirisho kowaad waxaa ka ah Nivetha Pethuraj oo Sai Dharam Tej lamaantiisa ku matali doono waxayna duubista filimkan bilaaban doonaa 20-ka bisha April nagu soo fool leh sidoo kalena jadwalka kowaad oo 27-maalmood ka kooban halmar ayaa toos looga bixi doonaa waana arin xiiso badan in Sai Dharam Tej iyo ruug cadaa Ramya Krishnan markii ugu horeesay shaashada kasoo wada muuqan doonaan.

Filimkan aan magaca loo bixinin waxaa la qorsheenaa bisha August ee sanadkan gudaheeda in la daawado waana mashruuc xiiso gaar ah loo qabo oo haatan hadal heyntiisa aad u sareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here