Serhat Tutumluar wuxuu qeyb ka yahay jilayaasha lafdhabarta u ah taxanaha Hercai wuxuuna taxanaha ku matalayaa aabo wiilkiisa laga qariyay jiritaankiisana aanan ogeyn balse taas badalkeeda cadow looga dhigaayo asigoona sidoo kale soo korsanaayo misna aabo u noqonaayo atariishada taxanaha.
Hadaba waxaana halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa dhowr macluumaad aad xidigaan ka ogaan kartid;
-Magaciisa saxda ah waa Serhat Tutumluer.
-Wuxuu dhashtay sanadkii 29kii July 1972dii waana 47 jir.
-Wuxuu ku koray waxbarashadiisana ku qaatay magaalada Istanbull.
-Wuxuu ka qalinjabiyay isla markaasna bartay kuliyada tiyaatarka sanadihii 1995-1997dii.
-Wuxuu fan iyo jiliinka kusoo biiray 1996dii asigoona isla waqtigaas arday ahaa.
-Filimkiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa 2004tii.
-Wuxuu ku guuleystay abaal marino dhowr ah waxaana kamid ah abaal marinadaas jilaaga ugu fiican Istanbull.
-Haatan wuxuu qeyb kayahay taxanaha Hercai asigoona doorkiisa udub dhexaad u yahay taxanaha maadaama cadaawada Aziza ay asiga ka bilaabatay.