Macluumaad ku saabsan taxanaha cusub ee turkiga gil gilay ASK AGLATIR (Jaceylkaa ka oohiyay) kaasoo xalqadiisa koowaad shalay la daawaday.

0
77

Shalay oo ay taariikhda aheyd 8da sebtember waxaa TVga turkiga ee Show TV laga sii daayay xalqo 1aad ee taxanaha cusub Ask Aglatir oo loola jeedo jaceylka ayaa ka oohiyay waxaana hogaamiye ka ah labo jilaa oo da’yar kuwaasoo kala ah aktarka taxanaha ee Deniz Can Aktas iyo atariishada taxanaha ee Hafsa Nur.

Taxanahaan ayaa waxaa iska leh shirkada MF Yapim waxaana laga soo min guuriyay taxane kuuriyaan ah kaasoo ka hadlaayo wiil iyo gabar ku kulmaayo magaalo weyn waxayna halgan kula jira maqaamkooda ay nolosha ku leeyihiin iyagoona caqabad kasta oo kahor timaada ka gudbi doono si yoolkooda ay u gaaraan.

Hogaamiyayaasha taxanahaan ma ahan dad shacbiyad balaaran kuleh gudaha turkiga lakin marnaba lama saadaalin karo TVyada turkiga waayo waxaa marar badan la arkay jilayaal waaweyn oo taxanayaashooda dhulka galeen halka kuwa yaryarna guulo taariikhi ah gaareen waxaana arintaas ugu wacan sheekada taxanaha waana halka markasta qiimeynta lagu sameeyo.

Taxanahaan ayaa maalinkasta oo isniin ah habeen talaado soo galeyso kala socon kartaa kanaalka Shaw TV waxaana xusid mudan in xalqadii koowaad ee xalay lasii daayay ay kaalinta koowaad ka gashay Rating-ka waxayna noqotay mida loogu daawasho badanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here