Qoraalka oo dheer iyo dadkeena oo inta badan ka wahsadaan qoraalada dhaadheer maanta macluumaadka waan soo gaabiyay si aan akhtintiisa looga caajisin.

1-Ma ogtahay in qarnigii 8aad ee miilaadiga uu caalamka ka dilaacay cudurka juudaanka.

Reer galbeedka waxay u maleeyeen iney tahay ciqaab xag alle ka timid sidaas darteed qofkasta oo uu cudurkaas ku dhaco asoo nool ayay gubi jireen.

Lkn muslimiinta waxay magaalada Dimishiq ka dhiseen Isbitaalkii ugu horeeyay ee lagu daaweeyo dadka juudaanka qabo iyagoo markii dambana ku guuleystay.

2-Ma ogtahay in Fikrada iskoolka ardayda macalimiinta nadaamka iskuulka Umiformka iwm ay tahay fikrad islaamka laga soo gaaray waxaana iskuulkii ugu horeeyay laga furay magaalada Baqdaad.

3-Ma ogtahay in Japan uusan jirin wax la yiraahdo shaqaale nadaafadeed howshaasna dhamaan shacabka ayay ka dhaxeysaa ha ahaado injineer ama dhakhtar ama waziir dhamaan howsha waa lawada leeyahay.

4-Inkastoo qishka imtixaanka uu yahay wax aan habooneyn mabd,a ahaan hadana waxaa la ogaaday inuu leeyahay faa,iido la xiriirta saaxiibka wanaagsan markuu imtixaanka kuu qishaayo inaad ku ogaatid.

5-Baaritaano ayaa waxaa lagu ogaaday in daawashada aflaamta cabsi cabsida ah ey qofka miisaan ka ridaan.

Markastoo filimka argagax badanyahay markastoo miisaankaada yaraado.

Qodobada maanta midkee ka heshay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here