Titanic waxaa la daawaday sanadkii 1997 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Leonardo Dicaprio iyo Kate Winslet, halka uu Directorka ahaa James Cameron.

filimkan ayaa xiligaas noqday filimka ugu qaalisan ee caalamka isagoo rikoorkaas haystay muddo aad u badan maadaama dad ay jaceyl waali ah u qaadayn filimkan waxaana si weyn daawadayaasha usoo jiitay jaceyl iyo muuqaalada qiirada leh ee filimkan lagu soo bandhigay

kooxda filimkan Titanic waxa ay marka hore doonaayeen in aktarka Mathew McConaughey sameeyo doorka Jack laakiin director filimkaas James cameroon ayaa Leonardo DiCaprio u doortay samaynta doorkaas

ma xasuusata haweeneyda duqda ah taaso bilowga filimka ka sheekeenaysaa filimka waxaa la yiraahdaa Gloria Stuart waana qofka kaliya ee kasoo hortay dhacdadii dhabta dhacday 1912 waana xiligii uu quusay markabkii Titanic

atariishada filimkan Kate Winslet waxa ay diiday inay xirato jaagada bad-baadada markii la duubaayay muuqaalka bur-burka markabka taaso kaliftay inuu hargab ku dhaco atariishadan

Titanic waa filimkii ugu horeesay ee laga sameeyo cajalad video ah kaaso loo iib-geeyayy dalal badan isagoo xitaa xiligaa laga daawanaaayay tiyaatarada

director James Cameron markii hore muusan doonayn in filimkaan loo sameeyo hees laakiin markii Celina Dion markii filimkan u qaaday heesta my heart will go on waxa ay noqotay hees laga wada helo taaso noqotay mid dadka si weyn ugu soo jiidata

ma ogahay sawirka Jack uu ka qaadaayo rose oo qaawan inuusan Jack sawirin sawirkaas waxaana sawirkaas sawiray director ka filimkaas James Cameroon

ma Ogtahay muuqaalka badda dadka ay ku quusaayaan in kaliya dhirirka biyahaas uu dhulka u jiray 3 feet taaso la micno ah sida barkad  oo kale

Titanic waxaa lagu aruursaday abaal-marino fara badan isagoo u tartamay 14 jeer abaal-marinta oscar wana rikoor isaga u gaar ah

director James Cameron ayaa in ka ka badan 10 mar u quusay badda hoosteeda si uu arko markabkii Titanic ee quusay sanadkii 1912 si uu filimkiisa kaga ilaaliyo qaladaad fara badan

muuqaalka ugu dambeeyay ee Kate Winslet ay filimkaas ku duubaysay waxa ay wada noqotay mid wada qoyan laakiin waxa uu ka qurux badnaaday markii uu qalaylka ahaa

Wad Ku Mahadsan Tahay Akhriskaaga

F-G:Akhriste Wad Soo Codsan Kartaa Filim Walba Aad Doonayso Warbixinadiisa Qaaska Ah

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here