1-Waxaa la sheegay Libaaxa inuu codka Diiqa (Digaagga) aad oga baqo.

2-Waa wax la xaqiijiyay Tukaha guri u gaar ah ama Saab u gaar ah maba sameeysto waxuuna ku dhalaa guri shimbir kale leedahay.

3-Dadka qaar waxay ka qeyb galaan aaska markuu qof ehel ah geeriyoodo iyagoo muujinayaan qiiro iyo inay daneyn jireen, balse ma daryeeli jirin kamana warqabi jirin intii uu noolaa.

4-Xiliga Shukaansiga Wiilka waa uu hadlaa Gabadhana waa ay dhageysataa, xiliga guurka Caruusadu waa ay hadashaa Caruuskuna waa uu dhageystaa, guurka kadib waa ay wada hadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa.

5-Waxaa la yiri gabadha foolka-xun Muraayada inee hortagto kama daasho halka gabadha quruxda badan wajiyada dadka kale quruxdeeda ka aragto.

6-Ma ogtahay Ugaarta nooca Deerta loo yaqaan inee ka orod badan tahay kana xawaare sareyso Libaaxa hadana saas eetahay orod ayuu ku qabtaa wuuna cunaa. Sababtana waxay tahay in marwalba gadaal soo eegto markee ka ordeyso taasi oo sababta xawaaraheeda inuu yaraado sidaasna uu ku qabto.

7-Ninka labada xili noloshiisa ugu farxada badan waa marka uu dareemo inuu masuuliyad qaadi karo nin shaqeysta oo mushaar lehna uu yahay iyo marka uu Aabo noqdo oo ubad loo dhalo. Dadka qaar baa ku daraan habeenka aqal-galkiisa iyo xiliyo kale oo ay sheegaan.

8-Sida loo kala dulqaad badan yahay ayaa loo kala guul badan yahay, nolosha waa tartan dulqaad u baahan guushana waxaa dhadhamiya qof u adkeesta xiliyada dhibka jiro.

Qodobkeenka heshay nala wadaag akhriste…….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here