Macluumaad xiiso leh oo ku saabsan wadanka India.

0
736
Bhartiya Janata party (BJP) take selfie pictures as they listen Prime Minister Narendra Modi speech during a rally in Meerut in Uttar Pradesh on March 28, 2019. - India's Prime Minister Narendra Modi embarked on a campaign blitz on March 28 with three huge rallies where he declared voters would reward his decision to test new weapons and bomb Pakistan with a thumping election victory. (Photo by STR / AFP)

MACLUUMAAD KU SAABSAN INDIA.

1-Hindiya waxay ku taalaa Koonfurta qaarada Aasiya waxayna xuduud la wadaagtaa 6 wadan kuwaasoo kala ah: China, Pakistan, Purma, Nepal, Bengaldish iyo Potan.

2-Hindiya waa dowlad Dastuuri ah kana kooban 29wilaayadood (federal). Caasimadeedana waa New Delhi.

3-Hindiya waa Dowlada labaad ee ugu dadka badan aduunka kadib China waxayna matalaan 6meelood meel dadka aduunkaan ku nool iyagoo tiro ahaan ka badan Hal bilyan.

4-Hindiya waa dowlada 8aad ee ugu weyn aduunka Badd ahaan (Masaaxada) waxana ka weyn kaliya 7wadan.

5-Lacagta Rasmiga ee Hindiya laga isticmaalo waa Rupees.

6-Hindiya waxaa looga hadlaa in kabadan Kun luuqadood waxaase ugu badan oo la adeegsadaa 5taan luuqadood:

-Luuqada Hindiga caadiga ah waxaana ku hadlo 551malyuun oo qof.

-Luuqada Ingilishka waxaana ku hadlo 125malyuun oo qof.

-Luuqada Bungaaliga waxaana adeegsato 91malyuun oo qof.

-Luuqada Talagu wacaa adeegsato 84Malyuun oo qof.

-Luuqada Mahraatiga iyadana waxaa adeegsadaan 84Malyuun oo qof.

7-Hindiya dadka ku nool waxay ku dhaqmaan diimo badan waxaana ka xusi karnaa Diinta hinduuga ah oona ugu badan Diinta islaamka, Diinta buudaha mida masiixiga xitaa diinta yahuuda waa laga adeegsadaa iyo diimo kale oo badan.

Soomaalida waxay aad u xiiseeyaan Filimaanta hindida in ka badan intey xiiseeyaan Filimaanta Mareykanka.

Sidoo kale dumarkeena ayaa aad u xiiseeyaan Musalsalaadka hindida iyagoo markasta ku taxan. Hadii aad warbixibtaan ka heshay Share dheh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here