Macluumaad Yaab Leh Balse Ku Anfici Doonaan Hubaal Ahaan

Qoraal walbo waa inuu duluc iyo micno leeyahay sidaa darteed waxaan idiin heynaa Macluumaad Yaab Leh Balse Ku Anfici Doonaan Marka Aad Aqrisatid.

1- Ma ogtahay in wajigaaga labadiisa dhinac aysan isku mid aheyn sidoo kalana labadaada indhood kala weyn yihiin xili dhagtaada Midig ka sareyso Mida bidix.

2- Culimada ku takhasustay cilmiga nafsada waxay sheegeen in soo jiidashada ama ka helidda uu jiro ugu badnaan 4-bilood wixi intaas ka badan uu jaceyl yahay.

3- Naftaada oo aad la sheekeysato ama la hadasho kaama dhigeyso qof waalan ee caqligaaga ayay kordhisaa.

4- Iney timaha dhaqso kuu tarmaan hadaad rabto badso toonta iyo basasha.

5- Marwalbo farta ku qoran qalinka buluuga ayaa looga xusuus badanyahay mida ku qoran qalinka madow.

6- Waayadii hore dadka markii qofka qaliin lagu sameynayo ama meel dhaawac ah laga tolayo si uusan xanuunka u dareemin madaxa (qadaadka dambe) ayaa Dubbe looga dhufan jiray si uu u suuxo.

7- Ma Ogtahay markastoo qolka qobowgiisa bato markastoo qarowguna bato.

Waa diyaarintii iyo qalinkii saaxiibkiin Cabdiraxmaan Xasan Anteeno.

 

Fadlan Share Garee Haddii Aad Ka Heshay Macluumaadkan….

4 Comments

  1. mahadsanidiin walaaleyaal
    please warbixintan oo kale ino wada
    aad baanu uga faaidaysanaaye
    weliba Mr cabdiraxmn shukran bro

  2. Mice xikmadonwaxan halkaa kasii wada barnaamijkan waa cajiib waxalgu qadanayo science iyo iyo diiniba kadhiga Insha allah.!!!

    Wanjeclhay waxa cilmiga laga faidayo ama waxa aan hore u maqal ama aanan aqoon !!!

  3. Asc qoraaga macluumadkan iyo bahda filimside waxaan idinka codsanayaa sheekadii kun habeen iyo habeen inaad noo bilowdaan insha allaah hadaa wakhti u haysaan

Comments are closed.