Home » Arimaha Bulshada » Macluumaad Yaab Leh Balse Ku Anfici Doonaan Hubaal Ahaan

Macluumaad Yaab Leh Balse Ku Anfici Doonaan Hubaal Ahaan

Qoraal walbo waa inuu duluc iyo micno leeyahay sidaa darteed waxaan idiin heynaa Macluumaad Yaab Leh Balse Ku Anfici Doonaan Marka Aad Aqrisatid.

MACLUUMAAD QARIIB AH OO KAA YAABIN DOONAAN. MACLUUMAAD KU SAABSAN DUMARKA:

1-Dumarka ayaa cel-celis ahaan midkasta 120-saacadood sanadkiiba kaga baxdaa iney isku eegto Muraayada taasoo ah ku dhawaad 5-maalmood sanad kasta.

2-Dumarka ayaa waxay aad u jecelyihiin in ninka waxay u baahantahay indhaheeda ka akhristo taasoo marar badan sababta in xaalada cakirmato khaasatan markii la fahmi waayo.

3-Inta badan Dumarka wey necebyihiin iney socdaan gacmahooda oo maran sidaas owgeed waxay markasta gacanta ku qaataan Boorso, Buug, Fure, Moobeel iwm.

4-Maskaxda Dumarka waxay Unugyada maskaxda kala mid tahay midka Raga inkastoo maskaxda Raga ey ka weyntahay maskaxda dumarka cel-celis ahaan 9%.

Waxaana isla ekaanshahaas u sabab ah Unugyada maskaxda dumarka oo is dul saaran sidoo kalana ka cuf badan mida ninka.

5- 90 ilbiriqsi kasta aduunkaan naag ayaa dhimato sabab la xiriirto dhibaatooyinka uurka iyo dhalmada leeyihiin!

6-Majirto gabar aduunkaan ku nool oo labadeeda Naas isla egyihiin markasta mid ayaa weyn. Weynaantaas wey muuqan kartaa ama mid aan la dareemi karin ayay noqon kartaa.

7-Cel-celis ahaa gabar kasta Muuqaalkeeda waxay ka fikirtaa maalinkasta 9jeer. Sidaa oo ay tahayna kaliya 2% ayaa isku tilmaamo gabdho qurux badan. Intooda badan in la amaano ayay jecelyihiin halkii ay is amaani lahaayeen.

8-Gabdhaha waxay u fikiraan si joogto ah waxayna ugu daran yihiin markey isku diyaarinayaan xaflad iwm. Xiligaas oo kale maskaxdooda waxay u shaqeysaa si xowli ah iyagoo ka fikiraya qaabkuu muuqaalkooda u ekaan lahaa sidaas owgeed hadalo dhaliil ah waqtigaas ha u jeedin waxkasta oo afkaada kasoo baxayo amaan ha noqdeen waayo waqtigaas oo kale gabadha dhaliil ma xamili karto toos ayayna u niyad jabeysaa.

9-Inta badan dumarka kuma raaxeystaan waqtigooda macaan waxaana u sabab ah iyagoo mustaqbalka ka fikira.

10-Majiro hal qaanuun oo USA ka shaqeeyo kaasoo Naagta la simaayo haddana diinta islaamka ayay markasta ku dhaleeceeyaan in xuquuqda dumarka ku tunteen.

 

Qodobkee ka heshay kuna xiiso galiyay??

Waa diyaarintii iyo qalinkii saaxiibkiin Cabdiraxmaan Xasan Anteeno.

 

Fadlan Share Garee Haddii Aad Ka Heshay Macluumaadkan….