1- Si aad baraf dag-dag ah oo saafi ah u hesho marka hore biyaha kululeey.
2- Si xanjada dharka uga fuqdo marka hore mudo saacad ah Talaajada gili.
3- Si dharka cad kuugu noqdaan dhex gili biyo kulul oo jeex liin ah lagu dhex riday mudo 10-daqiiqo.
4- Lliinta markaad miireyso si biyo badan kuugu dhasho marka hore dhex gili liinta biyo kulul saacad kahor intaadan miirin.
5- Si aysan indhaha kuu xanuunin markaad Basal jar-jareysid xabad xanjo afka gasho kadibna howshaada wado.
6- Si shiirka ama karka kaluunka/malaayga gacmahaaga uga go’o ku dhaq gacmahaaga khal tufaax ka sameysan.
7- Si aad baradhada dhaqso u fiiqdo marka hore hal dhinac ka fiiq.
8- Si aad Ukunta iyadana dhaqso u fiiqdo kudar biyaha aad ukunta ku karineyso xoogaa cusbo ah.
9-Si aad u ogaato kaluunka inuu karay jab yar oo kamid ah biyo ku rid hadii uu dul heebaabo ama sabeeyo ogoow inuu karay.
10- Si aad dooliga uga takhalusto ku daadi fil-fisha madow neelaha aad dooliga ku tuhmeyso markuu dooliga kuleylkeeda cuno dib dambe uma soo laabanayo.
11- Si aad kaneecada uga takhalusto dhig barkintaada agteeda xaanshida nacnaca oo dhag dhag ah micnaha ku dhageyso wuxuu ku kor dago.
Qodobkee Ka Heshay?