Macluumad Kusaabsan Super Star Dharmendra Oo Maanta U Dabaal Dagaya Xaflada Dhalashadiisa!!

Dharmendra – Soomaalida waxey u yaqaanaan Dalaamadar Waxuu Ku dhashay Punjab India 8 December 1935 waana 82 sano jir waqtigaan la joogo Waxuu Jilay inka badan 247 Film waxaa lagu xusaa Boqorka Actionka Hindia.

Waxuu dhalay jilayaasha Sunny Deol, Bobby Deol iyo Esha Deol Waxuu hogaaminayay Filimki Sholay ee la jilay 1975 kaasoo noqday Filmka India ugu weyn abid Waxuu ka mid yahay jilayaasha ugu culus taariikhda Bollywoodka.

Filimkiisi ugu horeeyay waxuu jilay sanadkii 1960ki waxaana la oran jiray Dil Ghi Tera Hum Bhi Tere kasoo aha Black and White Dharmendra waa jilaaga kaliya ee Bollywood kaasoo isku guursaday 2 xaas.

Wuxuu horey u qabay xaskiisa Prakash Kaur taasoo uu guursaday asigoo 19 jir Waxuu la guursaday atriishadii quruxda badneyd ee Hema Malini taasoo uu jaceyl ugu qaaday filinkii Sholay oo ay isla jilayeen.

Dharmendra Si uu u guursado Hema Malini waxuu qaatay diinta Muslimka iyadana way la qaadatay diinta Hema Malini waxey u dhashay laba gabdhood oo lagu kala magacaabo Ahana Deol iyo Esha Deol oo artriisho ah.

Inkastoo Dharmendra uu yahay jilaa guulo waweyn ka gaaray Bollywoodka iyo shineemada hadana ma uusan ku guuleysan abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywoodka ee shirkada filmfare award bixiso (Filmfare Best Actor Award).

Dharmendra ayaa ahaa shaqsi ku jiray siyaasada Dalkaasi India isagoo noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkiisa kadib markii loo doortay sanadkii 2004, waxey doodo adag iskala hor imaan jireen xiligii baarlamaanka uuku jiray , jilaaga Govinda oo isagana ahaa Xildhibaan baarlamaan oo ay isku buuqi jireen , balse Dharmendra oo yareeyay soo xaadirida fadhiyada baarlamaanka , shaqooyinka aflaamta uu ku mashquulay darteed waxaa lagu eedeeyay inuu ka mashquulay howsha sharciga isagoo iskaga tagay markii dambe siyaasada.

2 Comments

  1. filimside group idinkoo mahadsan
    dalammader ilaa hada ma Muslim
    baa mise waaa hinduu plz
    thanks

    • Dharmendra wuxuu hader heesta diinta Sikhism balse Diinta islaamka wuxuu u qaatay kaliya inuu 2 xaasle noqdo wuuna noqday waagi hore ayeena ahed hadeerse sida wikipedia sheegayo wuxu heesta diinta sikhism ee dadka punjabk ah badankooda heestaan

Comments are closed.