Home » Nolosha Jilaayaasha » Macquul Ma Aha: Rajinikanth Iyo Akshay Kumar Filmkooda 2.0 Sedex Film Ayuu Box-officeka Kula Dagaalami Doona 2018!!

Macquul Ma Aha: Rajinikanth Iyo Akshay Kumar Filmkooda 2.0 Sedex Film Ayuu Box-officeka Kula Dagaalami Doona 2018!!

Bollywoodka madaxa ayee dab karabaan ayaad is leedahay sababto ah 2.0 wuxuu kamid yahay aflaamta ugu waaweyn ee abid Bollywoodka sameyaan taariikh ahaan marka loo fiiriyo qarashaadka lagu sameyay iyo hadal heyntiisa oo meeshii ugu sareyssay mareysa.

Hadaba filmkaan ayaa qorshaha wuxuu ahaa in la daawadao sanadkaan balse dib udhacyo fara badan ayaa ku yimaaden xitaa mar ladhahay 2 FILm oo Akshay wado ayaa iskudhacayaan.

Balse waxaad oodhan waa la isaga daba yimid waxaa ugu dambeyn la xaqiijiyay waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono filmkaan.

2.0 waxaa tiyaatarada si rasmi ah loo saari doona 27 April ee sanadka dambe waana isla bishii uu Baahubali 2 sanadkaan taariikhda lama ilaawan ka ah u dhigay.

Hadaba sheekada intaa kuma eka oo wax walbo waxaa laga niyad jabay marka la shegay 2.0 waqtiga uu qabsaday in horey loo calaamestay oo sedex film kale isla waqtigaas sii calaamsteen taasina ay ka dhigantahay in 2.0 Box-officeka kula dagaalami doono sedex film kale.

Sedexdaas film ee isla tiyaaradada lala saari doono filmkaan 2.0 ayaa kala ah Manikarnika: Queen of Jhansi oo ay hogaamineyso Kangana Ranaut, Tiger Shroff filmkiisa Baaghi 2 iyo filmka kale ee Hollywoodka ah Avengers: Infinity War.

Hadii ay sidaas dhaco oo intaas film hal maalin la isla saaro tiyaatarada xaqiiq ahaan 2.0 ganacsigii laga filanaayey iyo hamigii laga qabayba mesha ayee ka baxayaan……

2 Responses to Macquul Ma Aha: Rajinikanth Iyo Akshay Kumar Filmkooda 2.0 Sedex Film Ayuu Box-officeka Kula Dagaalami Doona 2018!!

  1. cassanyo Reply

    December 3, 2017 at 2:38 pm

    waynu eegi

  2. rudwaandxt Reply

    December 3, 2017 at 6:12 pm

    2.0 makula tahay inuu khasaari doono

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *