Macquul Ma Ahan 2.0 Mudo 24 Saacadod 32 Million Oo Qof Ka Badan Ayaa Daawatay Goos Gooskisa Yar!!

Waxaa shalay si rasmi ah loo soo bandhigay goos goos yar oo kooban kaaso ah filmka weyn ee 2.0 waxaana hogaamiyaal ka ah filmkaan Rajnikanth iyo Akshay Kumar.

Goos gooskii yaraa ee 2 daqiiqo aan dhameen waxaa soo dhaweyeen oona daawadeen dad ka badan 32 Million oo qof waana wax cajiib ah in mudo 24 saacadod ah shacbiyad sidaa u balaaran daawadan mashruucan.

Shalay xooga dhaliil ayaa loo soo jeediyay filmkaan oo kusaabsan in tayada xoogaa liidato iyo adeegsiga aalada VFX iyo in Akshay Kumar muuqaaladiisa la xaqiray halka Rajni si weyn loo buun buuniyay.

Hadaba wax walbo Director Shankar waxaa la filaa inuu dib usixi doono maadama filmkaan si waali ah loo jecelyahay marba hadii 24 saacadod gudaheeda ay ku daawadeen 32.4 Million oo dad ah waxaana ugu wacan hadal heybntiisa sanooyinkii u dambeyeen ayee socotay midaas ayaaba xayeysiin ugu filan.

Waxaa la daawan doona 29 bisha November 2018 inkastoo dib udhac badan ku yimid xiliga la daawan lahaa mashruucan hadana xiligaas ayaa hader loo qabtay ilaa sanadkii hore ayuuna dib udhac ku imaanayey.

Akshay Kumar oo shimbir weyn isku bedelay waxna baa bi’inaayo waa arin layaableh iyo Chitti-gii oo dib usoo laabtay waxaan ogeen qeybta kowaad Robot in Chitti la fur furay meelna la iska dhigay balse dib ayaa loo howl galina waxa dhexmari doono Rajni iyo Akki waxyar ma ahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*