Superstar Ajay Devgn oo 50 jir ah ayaa ku mashquulsan sameynta filimo kala duwan oo ka mid yihiin filimada Maidaan Tanhaji Bhuj: The Pride Of India iyo filimka weyn RRR.

Hadabba waxaa lasooo ogaaday lacaga uu Ajay Devgn ku qaadan doona filimka weyn ee SS Rajamouli hogaamiye ka yihiin labada Superstar Ram Charan Iyo NTR JR.

Waxaa la sheegay Ajay Devgn filimka RRR inuu ku qaadan doono lacago gaaraayo 30 Crore $4.19M.

Ajay Devgn filimka RRR hogaamiye kama aha wuxuu ku leeyahay muuqal la fidiyay ama muuqaal caawin asigoo garab siin doona labadan dagaal filimkaan ku jilaayo NTR JR iyo Ram Charan.

Filimkaan ayaa qorshaha ah in la daawado bartamaha sanadka danbe waana filimka weyn oo lagu qarash gareyn doono 350 ilaa 400 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here