Fanka Hindiya mucjisooyin taariikhda baal dahabi ah ka galeen ayaa soo mareen kuwaaso lagu diiwaan galiyay buuga iskoorada lama taabtaanka ah lagu keydiyo sanad walba (Guinness World Record) aad ayeena u adagtahay in la jabiyo iskooradan kaga keydiyay Filimada Hindiga iyo xidigii ka howl galeenba.

Hadaba wey fara badan yihiin iskoorada balse 14-ka iskoor ugu caansan ayaan ku xuseynaa maqaalkaan oo ay adagtahay in la jabiyo fadlan hoos kaga bogo sidee isaga kala horeyaan Qeybtii 2-aad:

6-Jogdish Raj: Jilaagan waxuu heesta iskoor ah atooraha ugu faraha fudud India maadama uu aad ugu fiicnaa Typecast bari samaadkii si fiican oo dhaqsi ah ayuu wax ugu qori jiray Type-ka sido kale 144 filim ayuu sargaal Police ah kujilay aflaamtiisa ugu caansana waxaa kamid ah Deewaar, Don, Shakti iyo Silsala.

7-Kaho Na Pyaar Hai (2000): Filimkaan waxuu dhigay iskoor ah Filimka abaal marinta ugu badan hal sano gudaheed wada aruursaday wuxuuna noqday mid lagu daro buuga iskoorada caalamka maadama 92 abaal marin hal sano ku guuleystay filimkaan.

8-Yaadein (1964): Waa Filimka kaliya hal shaqsi bas lagu daawaday waxaa Director ka ah Sunil Dutt (Sanjay Dutt aabihiis) isla isaga ayaa qarash gareeye ka ah sido kale isla isaga ayaa atoore ka ah tan mucjisada wadata ayaa ah kaligiis ayaa jilaayo qofkale filimka kama soo muuqanaayo.

Marka laga reebo xaaskiisa Nargis Dutt oo dhamaadka filimka muuqaal marti ahaan usoo galeysa inta kale kaligiis le kaamerada hortaagan insaan kale laguma arkaayo waana filimkii ugu horeeyay iskoorkan sameeyo buuga iskoorada ayuuna kujiraa.

9-Shirkadaha India Filimada Sameyaan: Dalka India waa dalka kaliya aduunka filimada ugu badan laga daawado mana jiro wadan kula tartami karo midaas oo waa qeyb kamid ah quudkooda fanka sidaa aawged sanadkii isku celcelis 800 ilaa 1000 Filim ayee sameyaan India.

Waa labo laab tirada Filimada Hollywoodka caalamka laga daawado sanadkii 2009 India waxay sameyeen 1288 Filim oo lagu daawaday 24 luuqad kala duwan halka Hollywood sameyeen 606 Filim sanadkii 2008 waana markii ugu horeysay tiro intaas la eg Hollywood sameyaan taasi oo muujineysa labo jibaar Filimada Hollywoodka inee reer India sameyaan tusaale hadii Hollywood hal sano sameyaan 500 Filims India 1000 Filims ayee sameyaan.

10-Ashok Kumar: Superstar-kan bari samaadkii awooda fanka dhinac ka hayey waxuu heestaa iskoor ah atooraha waqtiga ugu dheer filimada hogaamiye ka noqonaayey micnaha atoorw calankiisa mudo ayuu jiraa aflaamtana waxaa marwalba doorka ugu weyn lasiiyaa atooraha markaas awooda badan balse Ashok xeerkaas wuu jabiyay.

1936 ayuu bilaaway inuu atoore Filimada hogaamiye noqdo mudo 63 sano uu Bollywoodka ka shaqeynaayey dhamaan filimada uu sameeyay isaga ayaa hogaaminaayey oo atooraha kowaad ahaa adduunka iskoorkan wey la yaabeen waana sababta loogu daray magaciisa buuga iskoorada caalamka lagu uruuriyo.

Lasoco Qeybta Seddexaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here