Fanka Hindiya mucjisooyin taariikhda baal dahabi ah ka galeen ayaa soo mareen kuwaaso lagu diiwaan galiyay buuga iskoorada lama taabtaanka ah lagu keydiyo sanad walba (Guinness World Record) aad ayeena u adagtahay in la jabiyo iskooradan kaga keydiyay Filimada Hindiga iyo xidigii ka howl galeenba.

Hadaba wey fara badan yihiin iskoorada balse 14-ka iskoor ugu caansan ayaan ku xuseynaa maqaalkaan oo ay adagtahay in la jabiyo fadlan hoos kaga bogo sidee isaga kala horeyaan:

1-Sameer Anjaan:

Waa leexan yaqaan caan ah music-dana ku fiican waxuuna qoraa ereyada heesaha hindiga Sameer waxuu noqday leexan yaqaanka ugu fiican taariikh ahaan Bollywoodka maadama uu leexan u sameeyay 3, 524 hees kala duwan.

Inaba caadi ma ahan in 3.5K heeso hindi ah sameeyo buuga iskoorada adduu ka ayaa lagu daray ninkaan qorista ereyada heesaha kuwacan sanadkii 2015 heesihii uu qoray waxaa kamid ah Jab Se Tere Naina (Saawariya), Tum Paas Aaye ( Kuch Kuch Hota Hai), Nazar Ke Saamne (Aashiqui) iyo kuwa kale badan.

2-Kumar Sanu:

Heesaaga ama fanaanka caanka ah Kumar Sanu sanadkii 1993 iskoor waali ah ayuu dhigay maadama uu hal maalin ku duubay 28 hees oo hindi ah fajaciso ayee ku noqotay caalamka in nin 28 hees hal maalin ku duubo balse xidigaan xiligaas waxba lama aheen howshaas dhibka badan waxaa lagu daray buuga iskoorada in la jabiyana wey adagtahay ninkaan 90-maadkii awood ayuu ku heestay Bollywoodka codkiisa ayuuna kusoo jiitaya malaayiin dad ah heesihii ugu caansana xiligaas kala bar isagaa ku luuqeyay.

3-Asha Bhosle:

Haweeyneydan heesaaga ah waxay heesataa iskoor ah gabadha ugu heesaha badan India ee duubtay 11,000 heeso kala duwan ah ilaa 1947 ayeena heesaa ahed oo ay ku luuqeyn jirtay heesaha hindiga.

4-Kapoor Family:

Qoyska reer Kapoor waa qoyska ugu balaaran fanka hindiya ugu caansan 24-ka qof ay ka kooban yihiin badankooda shaashada ayee kasoo muuqdeen oo jilaa ayee noqdeen 24-kaas iyo waxay sii dhaleen maanta waa qabiil dhan hadii la tiriyo.

Ninka ugu horeyo qoyskaan Prithviraaj Kapoor ayaa bilaaway fanka sanadkii 1929 kadibna waxaa kusoo xigsadeen seddexdiisa wiil ee kala ah Raj Kapoor, Shammi Kapoor iyo Shashi Kapoor waxay dhaleen iyo waxay sii dhaleen ayaana fanka maanta qeyb ka ah haba ugu dambehaan Kareena Kapoor iyo Ranbir Kapoor oo hader xaadir ah walina waa sii soconayaan oo kuwa cusub ayaa la sugayaa.

Sidaa aawged sanadkii 1999 ayaa loo aqoonsaday qoyska uvu balaaran Bollywoodka inee reer Kapoor yihiin ilaa hadana waa lasoo qaban la yahay mana lasoo qaban doono ileen Karisma, Kareena iyo kuwa kale oo qoyska kamid ah caruurtooda waa la sugaya inee Bollywoodka soo galaan waa qoyska tirada ugu badan dad ah kasoo muuqdeen Bollywoodka iyagoo hal qoys ah.

5-Baahubali-The Beginning:

Filimkaan Telugu laga leeyahay sanadkii 2015 waxuu noqdag Filimka kaartada ugu weynd adduunka laga soo bandhigo waa aragti ama kaarto tii u weyned abid filim laga soo bandhigo waxuuna kujiraa diiwaanka buuga iskoorada adduunka lagu keydiyo.

Lasoco Qeybta Labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here