Fanka Hindiya mucjisooyin taariikhda baal dahabi ah ka galeen ayaa soo mareen kuwaaso lagu diiwaan galiyay buuga iskoorada lama taabtaanka ah lagu keydiyo sanad walba (Guinness World Record) aad ayeena u adagtahay in la jabiyo iskooradan kaga keydiyay Filimada Hindiga iyo xidigii ka howl galeenba.

Hadaba wey fara badan yihiin iskoorada balse 14-ka iskoor ugu caansan ayaan ku xuseynaa maqaalkaan oo ay adagtahay in la jabiyo fadlan hoos kaga bogo sidee isaga kala horeyaan Qeybtii 3-aad:

11-Love and God (Kais and Laila): waa filim Bollywood sameyaan kii waqtiga ugu dheeraa qaatay sameeyntiisa maadama mudo 20 sano ah la sameeynayey marba xili ayuu dib u dhacaayey Guru Dutt ayaa 1964 atoore ka noqon lahaa balse wuu geeriyooday atoorayaal kale ayaa iskusoo daba mareen ugu dambeyn Sanjeev Kumar ayaa hogaamiye ka noqday 1986 ayaana la daawaday.

Sidaa aawged waa filim iskoor dhigay maadama 20 sano howshiisa socotay mana jiro filim waqtigaas oo kale qaatay isaga kadib.

12-Brahmanandam: ninka Soomaalida u taqaano Isku-dhuuq iyo Lee-Leefow kaaso sameeya filimada koonfur India waa shaqsiga kaliya ee adduunka ugu filimada badan in ka badan 1000 Filim ayuu sameeyay 2K ayee kudhow yihiin waqtigaan buuga iskoorada caalamka ayuu kujiraa Brahmanandan waana shaqsiga ugu filimada badan.

13-Lalita Pawar: Atiriishada Bollywood ah tii cimriga ugu dheera filim jileysay ayee noqotay inaba caadi ma ahan iskoorkan 12 jir iyadoo ah ayee Filim jilista bilaawday mudo 70 sano ah ayeena jileysay shaashadana kasoo muuqaneysay 700 Filim ayeena sameeysay.

14-Paidi Jairaj: Atoore Bollywood kii cimriga ugu dheera Filim jilaayey waaye mudo 70 sano ah ayuu asna filim jilis ku guda jiray waxuuna bilaaway 1929 shaqadan balse mudadaas sidaa u badan waxuu ku sameeyay 300 Filim kaliya.

15-Dharmendra: waa atooraja ugu Hit-ka badan Bollywoodka 50 Hits ayuu sameeyay Filimo ah, hadana waa atooraha ugu Flop-ka badan Bollywoodka hadana iskoor seddexaad ayuu heestaa oo ah atooraha ugu guulaha badan Bollywoodka 93 Filim guulesteen ayuu sameeyay.

Xidigaan aflaamta qaar tayo la’aan ayuu isaga sameynaayey maba ka fikireenin filimada qaarkood waana sababta uu u noqday atooraha ugu Flop-ka badan Mithun ayaana kusoo xiga dhanka filimada guulesteen hala soo tiriyo marka la dhaho. Marka Dharam 3 iskoor ayuu isla wataa weyna adagtahay in la jabiyo 3-daba balse waa macquul mid kamid ah in la jabiyo.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here