Bollywood Power Female Superstar Aka Kareena Kapoor Khan ayaa ugu dambeyn baraha bulshada kusoo biirtay si rasmi ahna ciwaan Instagram-ka oga sameysatay mudo sanado badan ayeena ku qaadatay go’aankan inee gaarto wax badan ayaana la sugaayey.

Bebo waxay kamid ahed shaqsiyaadka Bollywood-ka katirsan ee aan xiiseyn jirin inee ciwaan caan ah baraha bulshada ka sameystaan balse waligeed wey isticmaali jirtay Internet-ka oo ciwaano aan la aqoonin ayee ku isticmaali jirtay laakiin hada go’aankeedii hore waxba iska bedelay waana xubin kamid ah baraha bulshada so rasmi ah maanta kadib.

6 Maarso oo maanta ku beegneyd ayee ciwaan Instagram-ka ah sameysatay ciwaankan kahor intaan la xaqiijin ayuuba shacbiyad waali ah helay markee sameysatay waxaa lasoo dhigay muuqaal laguugu tusaayo bisad yar waxaana lasoo raaciyay qoraalka ah “goordhow filo wey soo socota” oo loola jeedo Kareena ayaa si rasmi ah baraha bulshada usoo galeyso.

Post-gii xiga sawirkeeda ayaa lasoo dhigay arinka xiisaha leh waxuu yahay Kareena mudo 20 daqiiqo oo ciwaankeeda (Kareena Kapoor Khan) sameysnaa waxay ku heshay shacbiyad nus Million ah ama 500K shacbiyad ah ayee heshay hada waa mudo 20 daqiiqo ah kaliya waana wax aad loola yaabay.

Tani waxay cadeyn u tahay Kareena sida waalida leh ee loo sugaayey inee baraha bulshada kusoo biirto taageerayaasheedana mudo dheer ayee sugaayeen xidigaha ugu badan Bollywoodka ayaa baraha bulshada kusoo dhaweyeen oo ay ugu horeysay walaashed Karisma Kapoor.

.

4 COMMENTS

    • Waa diyaar kkkk, Bebo shacbiyad kuma yaro weyna kasoo raagtay kusoo biirida baraha bulshada aadbaa loo sugaayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here