Macquul ma tahay in Rayaan uur uleedahay Miran Aslen bey???

0
1551

Isbuuca dambe waxaa si rasmi ah dib u bilaaban doono taxanaha weyn ee Hercai kaasoona seasonkiisii 1aad aan ka daawanay 12 xalqo xili meel xiiso leh uu ku go’ay.

Hadaba season 2 halkiisii ayuu kasii socon doonaa asigoona lagu wado in shaashada markale si rasmi ah looga sii daayo maalinta jimcaha 20ka bishaan sebtember waxaadna toos ugala socon kartaan kanaalka ATV.

Hadaba waxyaabaha macquul ah ee dhici karo seasonkaan waxaa kamid ah in Rayaan uur kusoo baxo balse sidee ku dhacday waaye su’aasha?

Waxaan wada ognahay in qeybihii hore markii Miran uu guursaday Rayaan habeenkii koowaad isla seexdeen gurigii duurka ku yaalay sidii nin iyo naagtiisana u dhaqmeen marka halkaas waxaad ka dareemi kartaa in Rayaan macquul tahay uur qaado.

Sidoo kale goos goos kooban oo laga soo bandhigay xalqada 13aad waxaa nalagu tusay Rayaan oo cunug yar ooy dhashay heysato isla markaasna uu la joogo Miiraan walow arintaan loo badinayo iney riyo tahay hadana waxay sii xoojineysaa shakiga ah in Rayaan uur leedahay cunugna u dhali doonto Miiraan kaasoona sabab u noqon karo iney dib midoobaan Miiraan iyo Rayaan.

Hadaba akhristow  adiga sidee kula tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here