Bilada shaqsiga ee dalka hindiya jilaaga la siiyo waxaa ugu muhiimsan marka atiriisho la joogo qeybta atiriishada ugu fiican (Best Actress).

Abaal marinada Best Actress waxaa ugu muhiimsan National Filim Award iyo Filimfare Award hadaba Shabana Azmi oo atiriisho Legend ah qaarkiina maanta ugu horeyso hoos kaga bogo inta jeer ay ku guuleysatay Best Actress:

National: 5-jeer waana atiriishada ugu badan taariikh ahaan.

Filimfare: 3-jeer ayee hanatay.

Wadarta Guud: 8-jeer ayee heysata abaal marinta Best Actress mana jirto atiriisho Bollywood ah oo kusoo dhow xitaa tiro ahaan.

Sababta Shabana looga caansanyahay loogana maqaam sareeyo ayadoo 8-jeer Best Actress heysato:

Mida kowaad ee looga maqaam sareyo waa in guulaha Filimada iyo awooda lagu dhaafay waxaana sidaas ku dhaafen kuwa ka horeyeen iyo kuwa ka dambeyeenba sida Deepika, Kareena, Karisma, Hema, Mumtaz, Kajol, Madhuri, Sridevi, Juhi, Aishwarya, Rani, iyo kuwa kale.

Mida labaad sababta looga caansanyahay waa in laga qurux badnaa oo laga taageero badnaa aflaam caan ahna looga sareeyay. Atiriishooyinka ka caansan kuwii ka dambeyeen iyo jiilkeedaba waxaa kamid ah Dimple Kapadia, Amrita Singh, Raveena, Urmila, Amesha, Mamta, Jaya Prada iyo kuwa kale waayo wey ka qurux badnaayen filimo caan ahna wey kasoo muuqdeen.

Tusaalaha Shabana Azmi waxaan ka fahmi karnaa in maqaamka atiriishonimo bilad ku xirneen ee awood iyo guulo Filim ku xirantahay. Waxaan kaloo ka fahmi karnaa in biladaha shaqsiga kaliya jilaaga caan ka dhigeynin ee uu u baahanyahay qurux, style, qaab jiliin, filimo fiican oo iswataan waayo dadba qurux kuguso raaco dadna filim fiicnaan aye kugu raacaan.

Hadii la xukmiyo tirada abaal marinada (Number of Awards) markaas Shabana Azmi waxay noqonee atiriishadii ugu fiicned hindiya soo martay abid waana wax caqliga qofka qaadan karin.

Intaas waa faham yar kusaabsan maqaamka jilaaga F.G: National iyo Filimfare waxaa sii muhiimsan National.

1 COMMENT

  1. Shabana Azmi waa caan Sababaha aad soo sheegtay uma malaynayo inay kaga caansanaadeen. Dhowr sababood oodan sheegin baa keentay inay Kuwani aad uga hadalhayn bataan.

    Horta waayaheedii fanka ay dhalinta ahayd Dunida sida hada casriga ma ahayn dalkoda dhexdisa se caan cirka gashay baya ahayd. (Hana labarbardhigin From urmula to kuwa hadan deepika iyo caanimadoda sawiradoda kaliya dafaha caalamka galayo).
    Marka labaad shabana Azmi Waxay noqotay Siyaasiyad iyado muddo ka maqnayd fanka. Taasna bahda madadaalada iyo entertainment ka xidhiidhkoodaa ku yaraa,
    Waa tan sadexaade oday ka wayn bay guursatay waana Javed Akhtar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here