Waxaan wada ogeyn in todobaadkii hore Superstar Akshay Kumar filimkiisa Laxmii barta Disney+Hotstar laga daawaday balse wuxuu la kulmay diidmo xoogan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka madaama fariintiisa filimkan liidatay dad badana iska diideen daawashadiisa.

Haatan waxaa bilaabatay cabsi laga qabo filimada waa weyn ee qorshaha yahay sida Online ahaan loo daawado inta sanadkan ka harsan sheekadooda tayo ahaan liidan karto. Sidaa darteed shirkada Amazon Prime Video waxay ka shakisay fariinta filimka Coolie No. 1 ee Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan hogaamiyaal ka yihiin waxayna maamulka shirkadan dalbadeen in filimka ay daawadaan ka hor inta aysan lacag waali ah ku iibsanin.

Waxaa la qorsheeyay filimka Coolie No. 1 in 25 December ama dabyaaqada sanadkan laga daawaday Amazon Prime ayadoo warra hordhac ah sheegayaan in shirkadan filimkan ku iibsatay 75 Crore ($10m) waana lacag ku filan kooxda filimkan oo macaash u horseedi karto madaama tiyaatarada mashruucan la saari doonin.

Balse hadda Amazon Prime Video waxay wadataa shuruud ah inay daawadaan filimka Coolie No. 1 oo haddii ay fariintiisa ama sheekadiisa ku qancaan kaliya lacagtaan adag kooxda filimkan iska leh lagu wareejiyo ma doonayaan inay qasaaro xoogan barta ka galaan madaama daawadayaasha iska diidi karaan fariinta filimkan marba haddii Laxmii oo filim weyn ahaa sheekadiisa noqotay mid aad u liidato.

Markii hore xeerka wuxuu ahaa filimada Bollywood-ka ah ee diyaarsan in toos looga iibiyo shirkada adeega Online-ka bixiyaan ayadoo Bollywood-ka ku kalsoonaayeen badeecadooda inaysan dhulka dhaceyn balse hadda xaalka wuu is badalay oo shirkada adeega Online-ka bixiyaan sida Amazon Netflex iyo Disney+Hotstar filim aysan tayadiisa iska fiirin qiimeyna ku sameynin ma doonayaan inay lacag adag ku iibsadaan madaama ay qasaaro xoogan la kulmi karaan.

Ugu dambeyntii shabakada Bollywood Hungama waxay soo daabacday in filimka Coolie No. 1 marwalbo barta Amazon Prime laga daawan doono dabyaaqada sanadkan laakiin mashruucan haddii sheekadiisa liidato markii gudiga Amazon qiimeeyaan in lacagaha ay ku iibsanayaan yareen doonaan balse haddii sheekadiisa Amazon ka helaan filimkaana siin doonaan qolyaha mashruucan iska leh 75 Crore ama $10-milyan ee lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here