Home » Arimaha Bulshada » Madadaalada Maanta Iyo Sheeko Qosol Badan Juxa Oo Tolkiisa U Wacday!

Madadaalada Maanta Iyo Sheeko Qosol Badan Juxa Oo Tolkiisa U Wacday!

Juxa Ayaa waxa Uu rabay In reer kiisa Uu arin Kala Hadlo .. Marka wuxuu isugu yeeray Odayaasha Tolka oo dhan .. Markaasuu Yiri Maanta anaa Idin Yeeraye Maadaama aad Tihiin Odayaashi reerka ee Maad garaneeysaa Sawabta aan isugukiin yeeray — Odayaashii oo yaaban ayaa Yiri “Maya manaqaano.”

Juxa ayaa Intuu Qoslay Yiri “Dee Hadaadan garaneynin waxaan isugu Kiin Yeeray Isagataga meesha .”

Mudo ka dib ayuu Hadana Isuga Yeeray markeey Yimaadeen ayuu hadana weeydiiyey “Magaraneeysaan waxaan isugu kiinyeeray” markaaseey odayaashii yiraahdeen “Maya Magaraneyno .”

Juxa ayaa Hadana isla sidii oogu Jawaabay Oo yiri “Waxaan iskugu kiinyeeray hadaadan garaneyn iskaga Taga Meesha .”

Mar sadexaad ayuu Hadana Odayaashii Isugu yeeray Balse markaan Odayaasha waxeey Ku tashadeen In ay Yiraahdaan Haa waan garaneynaa waxaad inoogu yeedhay juxoow…. Sidii Ayeey Ku tageen Meeshii Uu juxa Ku balamiyey Marka lawada Fariistay ayuu Juxa odayaashii soo Dhoweeyey Oo Yiri

“Waatahay Shirkeena Intaanan Furanin anaa isugu kiin yeeraye ee Mataqaanaan waxa aan iskugukiin yeeray maanta” Odayaashii Ayaa Ku jawaabay “Haa waan garaneeynaa”

Juxa Intuu Istaagay ayuu Yiri “Waayahay Hadaadba Garaneeysaan waxaan isugukiin Yeeray Maxaaba harsan oo aan idin sheegaa Marka Nagu kala wada.”