Home » Arimaha Bulshada » Madadaalada Maanta: Juxa Iyo Dameerkisa Maxaa Kala Qabsaday Sheeko Qosol Badan

Madadaalada Maanta: Juxa Iyo Dameerkisa Maxaa Kala Qabsaday Sheeko Qosol Badan

Waa markale iyo barnaamijkeeni sheekyoonka qosolka badan oo aan aalaba idin la wadaagno, waxaana markaan kusoo qaadaneynaa sheekadii juxa iyo dameerkii dhexmartay.

Juxaa ayaa dameer uu lahaa suuqa keenay si uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, markaasuu haraati ku jiiday.

Haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa markaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsaday ayaa yiri “juxaayoow cidna dameerkan kaama gadaneyso.”

juxa ayaa u jawaabay oo yiri “in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga!!”.