Home » Arimaha Bulshada » Madadaalada Maanta: Sheeko Ila Qosol Ah Ninkii Bariiska Ku Gubtay (Funny Time)

Madadaalada Maanta: Sheeko Ila Qosol Ah Ninkii Bariiska Ku Gubtay (Funny Time)

Kusoo dhowaada barnaamijkii madadaalada maanta oo aan aalaba halkaan idiin kaga soo jeedin jirnay maalin walba oo jimco ah balse mudo ayuu hakad naga galay barnaamijkaan waana ka cudur daaranena midaas.

Hadaba maanta maxaan idiin heynaa? waxaan idiin heynaa sheeko caan ah iyo ninkii bariiska ku gubtay:

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aadu kululcantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu kuadkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo ookulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay, Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay “waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa”  Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay.

“nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw).” si uu ceebtisa u qariyo aawged ayuu been usheegay, waa sheeko caan ah sheekadan dadka intooda badanna maqleen waana qeyb kamid ah madadaalada jimcaha.