Madadaalada Maanta: Sheeko Qosol Badan Iyo Ninkii Ku Hadalka English-ka Ku Waalna (Funny Time)

Kusoo dhowaada barnaamijkii madadaalada maanta oo aan aalaba halkaan kasoo jeedino jimco walba, maantana sheekadena waxaan kusoo qaadaneynaa ninkii ku waalna ku hadalka English-ka.

Nin Reer baadiya ah oo luuqada Englishka barashadeeda ku waalna sido kalena aad u jeclaa inuu mar auun ku hadlo luuqadaas ayaa waxaa maalin maal maha kamid ah u suurto gashay inuu aado America.

Ninkaan mudo ayuu halkaas joogay maalin maalmaha kamid ah ayuu isbitaal tagay maadama uu xanuun iska dareemay sida aawged waxuu fadhistay goob lagu sugo Dhaqtarka.

Waxuu arkay dadkii goobta joogay oo qofwalba wax akhrinaya qaar waxay akhrinaayen wararka maanta ee joornalada halka kuwa kale buugaag iska heysten, waxuu bilaaway dhankiis inuu is mashquuliyo maadama uu waayey qof uu la sheekesto dadkii oo dhana wada mashquul ahayen.

Joornaal meesha yaalay ayuu iska qabsaday, ninka English wuu jajabsan karaa balse cabsi badan ayaa heysay oo waxuu islahaa amaa wax lagaa sheega sida aawged intuu is ilaaway ayuu joornaalkii gadi gadi u qabsaday.

Gabar udhalatay wadankaas ayaa aragtay ninkan sida khaldan u heysta joornalka waxayna kutiri sida tan,”Excuse me Sir your reading is upside down” oo ay ula jeeday mudane waxaad u aqrineysaa kala gadis.

Ninkii intuu isku naxay waxuu sheegana garan waayey ayuu halmar lasoo booday oraahdan,”As we are somalian we read both sides” oo uu ula jeday hadaan soomali nahay labada dhinacba waan u akhrinaa. kkkkk.

 

1 Comment

Comments are closed.