Atiriishada caanka ah ayaa iska lumisay fursad dahabi ah oo hadda kahor soo martay iyo Filimkeeda kowaad oo ay la sameyn laheed Salman Khan sanado kahor laakiin si cad ayee u diiday inee Salman la shaqeyso.

Shraddha waxay Bollywoodka kusoo gashay Filimkii Teen Patti ee la daawaday sanadkii 2010 balse Filimkee aqoonsiga ku heshay waa Aashiqui 2 ee 2013 la daawaday kaaso gudaha India iyo daafaha caalamka si weyn u qabsaday laakiin 2010 kahor ayee Salman Filim la sameyn lahed.

Shraddha ayaa dalabkaas iska diiday sabab la xiriirta waxbarashadeeda waxayna go’aansatay inee marka hore waxbarashadeeda dhameesato kadib ay atiriisho noqoto wareysi ay dhowaan bixisay ayeena arinkaan shaaca kaga qaaday.

Dhanka kale waxay tilmaamtay ineysan diidi karin la shaqeynta Superstar Salman Khan ahna doobka ugi weyn fanka Hindiya waqtigaan aadna u dooneyso dhamaan xidigaha waaweyn inee shaashada kala soo muuqato fursadaasna iska fakisay waxbarashadeeda aawged.

Dhanka shaqada Shraddha Filimkeeda udambeyay waxuu ahaa Baaghi 3 oo ay Tiger Shroff la jishay halka Sallu Radhe ciida u diyaarsanyahay inkastoo howshiisa dib loo dhigay sabab la xiriirta Caabuqa CoronaVirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here