Madaxweynaha dalka Jair Bolsonaro ayaa weerar toos ah ku qaaday Superstar-ka Hollywood-ka ka tirsan Leonardo DiCaprio wuxuuna ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dabkii xooganaa ee sanadkan inta badan dhulka la simay keenta wabiga Amazon oo qasaaro xoog leh ka dhashay waxaana arinkan ka dhalatay dood xoogan.

Madaxweyne Bolsonaro hadalkiisa ayaa kusoo beegmay xili la sheegay jilaaga caanka ah Leonardo DiCaprio inuu $5m oo ugu deeqay gurmadka loo fidinaayo keenta Amazon ee qasaaraha xooga leh gaaray ayadoo DiCaprio uu sheegay inuu marwalbo reer Brazil garab taagan yahay.

Balse madaxweyne Jair Bosonaro wuxuu yiri “Leonardo DiCaprio waa xariif caqli badan isaga ayaa dab ku shidaayo Amazon kadibna bixinaayo deeq dadka loogu gar gaarayo waxaan idiin sheegaa labo hay’ad maxali ah inuu lacago ku siiyay gubista keenta Amazon marka waa labo wajiile iska dhigaayo shacabka Brazil inuu caawinaayo.”

Bilahii July iyo August ayay ahayd markii dab xoogan ka kacay keenta Amazon oo ah goobaha loogu dalxiiska badan yahay caalamka balse qasaaro xoog leh ayaa gaaray keenta Brazil ayadoo haatan gurmad xoogan loo fidinaayo sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii Amazon laheyd balse madaxweyne Jair Bolsanaro ayaa dood xoogan dhaliyay weerarna ku qaaday Leonardo DiCaprio oo ku caan baxay hawlaha samafalka aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here