Made in China iyo Saand ki Aankh maalintii labaad lacagaha ay keeneen. kuwaan dhulka ayay u socdaan.

0
729

Filimka Made in China ayaa ganacsi aad u liito sameeyay maalintiisii labaad inkastoo uu sare ukac sameeyay hadana ganacsigii uu maalintiisa koowaad sameeyay ayaa filimkaan dhulka la galay.

Made in China oo uu hogaamiye ka yahay Rajkummar Rao ayaa fashil xoogan tiyatarada kala kulmay halkaan hoose kaga bogo mudo labo maalmood lacagaha uu keenay;

Jimce; 1 crore.

Sabti; 1.50 crore

Wadarta guud; 2.50 crore.

Hadii filimkaan sare u kac wanaagsan sameyn waayo maalmaha soo socdo wuxuu si fudud ku noqon doonaa filim guuldareystay.

Dhanka kakale filimka ay hogaamineyso Taapse Pannu ayaa asigana dhulka galay wuxuuna mudo labo maalmood keenay 1.75 crore waana ganacsi aad u liito.

Filimka Saand ki Aankh wuxuu maalintiisii koowaad keenay 50 lakh waana ganacsi burbur ah asigoona shalay keenay 1.25 crore inkastoo uu sare u kacay hadana sida filimka Made in China ganacsigiisii maalinta koowaad ayaa curyaamiyay  waxaana asna laga rabaa sare u kac xoogan maalmaha nagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here